Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa daqiiqado kooban kulan kula yeeshay magaalada Carta ee dalka Jabuuti xubno ka tirsan mucaaradka dowladda oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in Madaxweynaha markasta diyaar u yahay wada hadal.
“Go’aanka Madaxweynaha wada hadalka wuxuu dhaafay xadka Soomaaliya, wuxuu fursad u helay inuu la kulmo xubnaha Mucaaradka, xilli maanta la xusayo Sannad guurada 25-aad ee shirka Carta” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys..
Wasiirka ayaa intaas ku daray in kulankan uu qayb ka yahay dadaallada Madaxweynaha ee lagu xoojinayo wadahadalka, isfahanka iyo dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee gudaha iyo gobolka.
Magaalada Carta, oo qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta caasimadda dalka Jabuuti, ayaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayo 25 sano guuradii Shirkii Carta, shirkii taariikhiga ahaa ee saldhig u noqday dib u soo celinta dowladnimada Soomaaliya.
Mustaqbal
