Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland waxaa maanta lagu qabanayaa doorashada kursi ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya.
Kursigan waxaa ku fadhiyay Xildhibaan hore Dhahar Cali Faarax,kaas oo kursiga ku beddeshay Qunsiliyadda Soomaaliya ee Jabuuti.
Kursigan xubnaha maanta u tartamaya waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku biiraya golaha shacabka.
Inta badan Ergada iyo dadka la socda Siyaasadda ayaa rumeysan in uu Jamaal ku guuleysanayo maaddaama Odayaasha Beesha leh Kursiga ay dhex dhexaadiyeen isaga iyo XIldhibaankii hore ee banneeyay.
Doorashada Jamaal oo ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa sare u qaadeysa tirada Golaha wasiirrada ee Xildhibaannada ah,kuwaas oo hadda Xukuumadda ka ah 74%.
