HORDHACA: Liverpool vs Man City+Safafka Macquulk ah.

Kulanka ugu adag kubadda cagta dalka Ingiriiska Todbaadkan ayaa caawa dhex mari doono kooxda ku dagaalamaya Hogaanka sare ee Horyaalka Premier League Liverpool iyo Man City.

Labadan kooxood ayaa ku jira xili ciyaareed fiican iyagoo ilaa iyo hada aan dhinacooda dhulka la dhigin, Reds oo garoonkeeda marti lagu yahay ayaa kulankii u dambeeyay ee UCL Laga soo adkaaday markii ay u martiyeen Napoli.

Dhanka kale, Sky Blue ayaa guul waqti dambe ah kusoo gaartay Dalka Jarmalka kulankoodii labaad ee Champions League, Labadaan kooxo ayaana hada isku dhibco ah oo fooqa sare ka tagaan Horyaalka Ingiriiska.

Liverpool Vs Man City

Tartanka: Premier league

Wakhtiga: 6:30 Fiidnimo

Garoonka: Anfield.

XAQIIQOOYINKA CIYAARTA:

Markii ugu dambaysay ee ay Liverpool guuldaro kala kulantay kooxda Man City iyaga oo jooga Anfield ayaa ahayd bishii May sanadkii 2003 wixii markaas ka dambeeyay waxa ayna Guuldaro kala kulmin Man city 17 kulan oo tartamada oo dhan ah 12 guulood iyo 5 bar-baro.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu dambeeyay ee ay wada kulmaan laba kooxood oo aan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka Premier League tan ilaa markii ay Man city la ciyaartay Newcastle United todobaadkii 12-aad ee premier League xilli ciyaareedkii 2011/2012.

Sergio Aguero ayaa raadinaya goolkiisii ​​ugu horeeyay ee Anfield 10kii kulan ee ugu danbeysay ee uu saftay isaga oo saddex jeer oo kaliya goolka ku laagay kulamo uu horay ugu ciyaaray intii uu joogay Man city iyo Atletico Madrid.

Kooxda Liverpool ayaan wax gool ah laga dhalin 9 kulan oo ay ku ciyaartay Anfield premier League taas oo ah rikoodhkii ugu dheeraa ee ay koox ilaashatay shabaqeeda garoonkeeda iyada oo ka dambaysa Man United oo 12 kulan shabaqeeda ilaashatay bishii December 1994.

Shaxda suurtagalka ah.

 Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Milner, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane.

Man City: Ederson: Walker, Kompany, Laporte, Mendy; Fernandinho, B.Silva, D.Silva; Sterling, Aguero, Sane.

 

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo maanta u tartamaya kursi Golaha shacabka ah

Read Next

HORDHACA: Valencia Vs Barcelona+Xaqiiqooyinka Kulanka.