Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Wasiirka arrimaha Dibada Xukumada fadaraalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjirayaasha wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ee ka howlgala Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya.
Wasiir Cawad ayaa marka hore ka warbixiyey hormaradii ugu dambeeyey ee Xukumada Soomaaliya ka sameysay dhinacyada Siyaasadda,Amaanka,Bulshada iyo Dhaqaalaha,waxa uuna sheegey in sii xoojinayaa dadaalada ay xukumadu ugu jirto Nabada iyo is Fahamka.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyey Wadamada ku bohoobey Urur Goboleedka IGAD si ay u garab taagan yihiin Xukumada Soomaaliya oo uu sheegey in ay dhowraan Madax banaanidam amniga iyo daganaashaha Soomaaliya.
Musuuliyiintii kulanka ka qeyb galay ayaa dhankooda tilmaamay in ay muhiim tahey garab istaaga dadaalada Xukumadu wado iyo in la ilaaliyo madax banaanida umada Soomaaliyeed.
Wariirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamigaa ee Xukumada Fadaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhawaan war-Saxaafadeed uu soo saaray ku sheegey in aan dalka laga rabin kana shaqeyn karin wakiilka hog’hayaha Guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom.
