Wasiir Caadle oo xilka ka qaaday Guddoomiye xigeenkii arr. Bulshada Hiiraan

Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada Gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali.

Xilkaas waxaa loo magacaabay C/Qaadir Maxamed Arwaax,waxaa kale oo xilka laga qaaday Xoghayihii Dowladda hoose ee degmada Beledweyne iyada oo beddelkiisana la magacaabay.

Dadka Gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer Maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay in ay si joogta ah xilalka uga qaado Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan kaliya.

Wasiir Caadle oo arrintaas ka jawaabayay ayaa sheegay in inta badan Xildhibaannada Hirshabeelle ay ka soo jeedaan Hiiraan,islamarkaana culeyska ay kala kulmaan beelahooda ay isaga dusha ka saaraan sidaasna uu magacaabista badan u sameeyo.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/

Mustaqbal media

Read Previous

Itoobiya oo Qunsulkeedii kala baxday Somaliland!

Read Next

Ethiopia recalls its consul from Somaliland amid fears of diplomatic withdrawal