Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga oo kawada hadlay Mushaaraadka Ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha CXD Daahir Aadan Cilmi.

Wasiirka Wasaaradaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kawada hadlay sida ay ugu howlan yihiin diiwaan-gelinta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si loo loo tayeeyo howlaha ciidanka loona hubiyo xuquuqooda.

Waxa ay isla garteen sida lagu sheegay war kasoo baxay in Askari walba la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa iyo in mushaarkiisa si toos ah loogu shubo koontadiisa bangiga.

Warka ayaa intaa la raaciyay in loo billaabay $30 (Doolar) oo kamid ah qoondada raashinka askarta oo si toos ah loogu shubo koontada uu askarigu bangigiisa ku leeyahay marka la xaqiijiyo diiwaan-gelintiisa.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidamada Xoogga in la wado xaqiijinta rasmiga ee ku aadan askarta aan weli helin xaquuqdooda billaha ah.

Waxaana Ciidamada la diiwaan-geliyay lagu amray in ay ku sugnaadaan goobtooda shaqada, si loo xaqiijiyo.

Ciidamada ka fog goobaha diiwaangelinta ayaa la sheegay in looga yeeri doono Goobo u dhow halka ay ku sugan yihiin si loo diiwaangeliyo, sida kuwa dhanaane oo lagu diiwaan-gelin doono Jazeera, kadibna ay dib ugu laaban doonaan goobtooda shaqo sida hadalka loo dhigay.

Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ciidanka ku wargeliyay inta ay diiwaan-gelinta socoto askari walba uu ku uu heli doono xuquuqdiisa oo buuxda marka ay soo dhammaata diiwaan-gelinta.

Web master

Read Previous

Madaxweynaha Jabuuti oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku yimid Muqdisho.Sawirro.

Read Next

Al-shabab oo sheegtay in la wareegtay Dhanaane