Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”
War kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS waxa ay kaga hadashay go’aanno la xiriira Cudurka Coronavirus oo ku socda Masaajidda ku yaalla dalka.
Wasaaraddu waxa ay sheegtay in iyada la tixraacayo kulanka Culimada iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Diinta ay soo saareen 24-Qodob oo ku socda imaamyada Masaajidda iyo dadka Cibaadada u taga.
Waxa ay soo jeedisay Qur’aan Aqriska, lagana Khunuudo Masaajidda shanta salaadood isla markaana la kordhiyo Ducada.
Sidoo kale, dadka xanuunsan ee qarsanaya waxa ay ugu baaqday in aysan tagin Masaajidda, iyada oo halista ka dhalan karta ay tahay in ay gudbin karaan ama faafin karaan Xannuunka Covid-19.
Waxa ay soo jeedisay Wasaaradda in Masaajidda la geeyo qalabka lagu ogaado heer kulka qofka qandhada heysato, si loola socdo caafimaadka Jamaacada Masaajidka cibaada u tagta.



