Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka oo ku sugan meel u dhaw magaalada Moqokori ayaa isku dayaya in ay dib u qabsadaan magaalada oo shalay gashay gacanta AS.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in isgaarsiinta guud ee magaalada Moqokori iyo deegaannada hoos yimaada ay go’antahay, ka dib dagaalkii cuslaa ee halkaasi ka dhacay.
Waxaa soconaya abaabulka iyo gurmadka ay sameynayaan dadka deegaanka si mar kale ay gacanta ugu dhigaan magaalada Istraatiijiga ah.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in aysan weli gudaha u galin magaalada, isla markaasna ay heystaan AS.
Khasaaraha ka dhashay qarax iyo dagaalkii shalay ka dhacay gudaha iyo duleedka magaalada ayaan la xaqiijin karin isgaarsiinta oo go’an awgeed.
Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle weli faahfaahin kama bixin dagaalka culus iyo qabasashada AS ee degmada Moqokori oo ku taalla xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Mustaqbal
