Wararkii u dambeeyay dagaalka ka socda gudaha magaalada Maxaas

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka iyo bannaanka magaalada Maxaas gobolka Hiiraan. 

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii AS ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Gorof oo ku yaalla duleedka magaalada Maxaas, kaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka. 

Wararkii u dambeeyay oo naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in AS ay gudaha u galeen magaalada Maxaas, iyada oo ay ka baxeen ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka. 

Qaraxyo ismiidaamiin ah ayaa lasoo warinayaa in duleedka magaalada ay ka dhaceen ka hor inta ciidamada dowlada iyo kuwa deeganka aysan isaga bixin magaalada Maxaas

Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in dagaalka maanta ay ku geeriyoodeen Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda.

Weli wax war ah kama soo bixin Saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan. 

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka oo howlgallo ka waday gobolka Hiiraan, iyada oo la qorsheynayay in ay dib ula wareegaan Magaalada Moqokori. 

Mustaqbal 

MM News

Read Previous

Dagaal ka socda magaalada Maxaas

Read Next

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Jabbuuti?