Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Magaalada Nairobi ayaa subaxnimadii saaka lagu soo toosay jidadka waawayn ee magaalada oo xiran iyo ciidamo booliis ah oo wadooyinka tuban.
Magaalada ayaa lagaliyay xaalad xirxirnaan ah iyadoo inta badan dadku aysan shaqooyinkooda aadin halka qaar kalena ay ku khasbanadeen inay lugeeyaan masaafooyin dheer-dheer.
Inta badan xafiisyada dowladda oo ay ku jiraan maxkamadaha ayaa xiran sababo la xiriira khataro amni oo laga cabsi qabo.
Qaar kamid ah saldhigyada booliiska ayaa sidoo kale sheegay in aysan wax adeeg ah bixin doonin si looga hortago weeraro lagu qaado saldhigyadan.
Maanta ayaa ku aadan Maalinta Saba Saba oo lagu xasuusto inay ahayd maalin ay ka dhaceen bannaanbaxyo guud ahaan dalka Kenya 7-dii Luulyo, 1990, halkaas oo dad badan ay waddooyinka isugu soo baxeen iyagoo dalbanaya doorasho xor ah iyo oggolaanshaha dimuqraadiyadda.
Sanad walba, 7-da Luulyo, waxaa la qabtaa bannaanbaxyo nabadeed oo lagu xusayo maalintii taariikhiga ee Saba Saba.
Mustaqbal
