Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Guddiga doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee Baarlamaanka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa.
Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Barlaamanka Puntland Yaasiin Xuseen Xaaji Diiriye ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Barlamanka Puntland.
Xildhibaanada barlamaanka ayaa meel mariyay guddigaan oo maamulidoona doorashada Guddomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo la filayo inay dhacdo afarta bishaan.
Waxa ay soo qaban qaabinayaan Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, si loogu sii gudbo tan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo la qorsheynayo 8-da bishaan.
Xildhibaanada guddiga ayaa ka kooban 7-xubnood oo diyaarinaya shuruudaha Doorashada, habka loo diiwaangelinayo iyaga oo kaashanaya Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka Cusub.
Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Abtiile ayaa Gudoomiye looga dhigay, waxaana la shaqeyn doono Lexdaan Xildhibaan oo iska dhex dooranaya Afhayeenka, Gudoomiyaha Maaliyadda iyo Gudoomiyaha qaban-qaabada Doorashada.
Xildhibaan Axmed Cali Saalax, Xildhibaan Cabdirisaaq Xasan Ciise, Xildhibaan Axmed Jaamac Diiriye, Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed, Xildhibaan Cawil Xasan Daad iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre oo dhammaan noqonaya Xubno.
Warqadda waxaa ku saxiixan Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Puntland Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye.
Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo maalinta Jimcaha ee ku beegan 4-ta bishan Jannaayo 2019.
Warqadda ayaa lagu yiri “Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada waxaa kaalinaya Xoghayaha guud Cabdirisaaq Xidig Warsame iyo Cabdiqani Cabdiraxmaan Maxamed Xog heynta Guud”.

