Wafdi Ka socoda Bangiga Adduunka oo gaaray Koofur Galbeed .

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka koonfur galbeed , C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,Ayaa Maanta Xafiskiisa Kullan kula qaatey Wafdi ka socoda banka Addunka ,oo ay hogaamineysay, Makiko Watanabe,oo ah Madax Mashaaricda Banka Addunka Ee Est Africa, kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro ,Xildhibaano Madax ka socota Hay’adaha ka Howlga Baydhabo, Mamulka Degmda Baydhabo,iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Madax Mashaaricda Banka Addunka Ee Est Africa, Makiko Watanabe aya halkaasi ku soo bandhiktey Mashaaricyada ay ka fulin doonan Magaalada Baydhabo,oo ay ka mid tahay Sideed Waddo oo ay ka dhisi doonan Gudaha Magaalada ,Xafadaha Kuwaasi oo Muhiim u ah isu socotka dadka,iyo Gaadiidka.

Image may contain: 14 people, people smiling, people standing and suit

Mashuruuca dhismaha Waddooyinka ayaa waxa uu si rasmi ah ubilaaban doona Bisha April-2020-ka
Kaa oo maal galineya banka Addunka.

Image may contain: 1 person, sitting

Intaasi ka dib Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada koonfur Galbeed Soomaalliya,Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye,Ayaa aad usoo dhaweyay ,Masharuucan dhismooyinka 8-wado Ee Banka Addunka oo ka dhisi doono Magalada Baydhabo ,kuwaasi oo Muhiim ah Isu socodka Gawaarida,iyo dadkaba.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and suit

Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa Umahadceliyay Banka Addunka sida mar waliba Dowladda koonfur Galbeed ay ugarab taaganyihiin.

Image may contain: 2 people, people sitting, suit, eyeglasses and indoor

 

MM Staff

Read Previous

Shir looga hadlayo amaanka Hirshabeele oo Baladweyne lagu qabtay.

Read Next

Jubbaland oo ka hortimid habraaca doorashooyinka oo ay soo saartay DFS.