“Waa muhiim in Dalka ay ka dhacdo Doorasho ka duwan tii 2016-kii” Sii hayaha Wasiirka Dastuurka Dalka.

Sii haya Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo la hadlay Warbaahinta Dowladda waxa uu sheegay in muhiimadda Doorashada dalka la doonayo in ay ka dhacdo in ay noqoto mid ka duwan tii 2016-kii ee dadbaneed.

Abaabulka lagu hirgelinayo doorashadaas ayuu sheegay in diiradda lagu saarayo in la qabto doorashada ka duwan tan ay ku timid Dowladda Federaalka oo ah mid dadban oo 51-qof ay u codeeyeen Xildhibaanka.

Waxa uu sheegay in aysan suuragal ahayn in guud ahaan dadka ay wada codeeyaan, maadaama wadamada horumaray sida Mareykanka ay codkooda dhiibtaan dad kooban, taasina ay muujineyso in aan codeynta sameyn guud ahaan bulshada.

“2016-kii, waad garan kartaa arrintu sida ay ahayd, taas ayaa la rabay in laga guuro oo la hiigsado qof iyo cod, inta xisaab u dhaxeyn karta waad sawiran kartaa, ma waxaa la oranayaa kursigii 500 ha u codeyso, ma shan kun mise soddon kun, waxyaabo badan ayaa lasoo jeedin karaa, balse muhiimadda waa fursadda hala siiyo dadka” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Dastuurka Dalka.

Dhanka kale, waxa uu sheegay sii hayaha Wasiirka Dastuurka Dalka qaabka la isu qabadsiinayo doorasho dadweyne iyo waqtiga ka dhiman muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxtooyada.

Dadweyne kala duwan ayuu sheegay in guddiga uu jiro ee doorashada qaabilsan ay kasoo uruuriyeen aragtiyo kala duwan, tan ugu badan ay tahay dhaqangelinta shuruucda martay Baarlamaanka oo ah nidaamka Xisbiyada.

“Waqtigu waa uu kooban yahay, aragtida jirto waa mid iska cad oo waxaa la isweydiinayaa sida ay u dhici karto doorasho hal qof iyo cod, in la helo ka qaybgal siyaasadeed iyo matalaad, Waxaa jira labo cirif oo kala ah in hannaanka xisbiyada badan lagu galo doorasho iyo matalaad dadweyne oo doorashada si ka duwan afti dadweyne laga dhigo, sidaasina lagu go’aamin karo yaa Xildhibaan noqonaya, yaa ka qaybgalaya siyaasadda matalaadeeda” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Dastuurka Dalka.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo Golaha Shacabka ayaa aaminsan in dalka ay ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah, halka Maamul Goboleedyada, Xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay shaki gelinayaan qabsoomideeda, iyaga oo ka duulaya waqtiga ka dhiman muddo xileedka Dowladda iyo abaabulka ay u baahan tahay Doorashada.

MM Editor

Read Previous

Ciidamada DFS oo Kuntuwaarey ka qabsaday Al-Shabaab iyaga oo howlgalo kawada Xaafadaha Degmadaas.

Read Next

Dood-cilmiyeedka Guursashada Xaasaska badan!