Maamulka Galmudug oo qaadacay eedeyn uga timid maamul goboleedka Puntland
Waxa ay ahayd Dood-cilmiyeed aad xiiso iyo soo jiidasho leh, waxa xoogga lagu saaray arrimha waaweyn ee xadeeya ama xakameeya guurka Xaasaska badan sida 2, 3 & 4
Waxa lagu soo bandhigey waxtarka, Sabaha, Shuruudaha, gaabisyada iyo aragtida lagayaabo in aanay aqoon iyo tijaabo ku dhisneyn ee dhaqan iyo bulsho ahaan ku gadaaman guurka wax ka badan hal xaas!
Waxa lagu gorfeeyey laguna faaqiday sida xeerka guurka iyo qoyska ee Islaamku u maareeyey marka ay noqoto in Ninku guursado 2, 3 iyo 4 xaas.
Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan Sh cabdi xayi oo kamid ahaa aoqon yahanka kaqaybgalay doodda ayaa si aad u faahfaahsan isu dultaagay Nuxurka iyo ujeeddada kadambeysa guurka Xaasaska badan, waxa uu sheegay in aysan cidna Waajib ku ahayn markeeda horaba in uu guursado xaasas badan hayeeshee ninkii awooda ay tahay in uu leeyahay awood dhaqaale, mid Garsoor iyo mid jireed si uu uga soo baxo Waajibka fuulaya marka uu guursado xaasas badan.

Sh cabdi xayi ayaa yiri: Guurka Xaasaska badan ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay waa iskafaala-qaadka Bulshada, tusaale in Ninkii awooda guursado 4 Xaas oo u badan dumarka la furay ama laga dhintay ee ilama badan haysta si Kafaala-qaadku halkaas uga yimaado
Xiriirka kadhexeeya Barbaarinta Carruurta iyo guurka xaasas badan oo iyaduna leh muhiimad si weyn looga dooday, waxa si gaar ah loo dul istaagay dhibaatada ka dhalata dayaca iyo beylahinta Carruurta iyo sida ay u horseeddo in ay soo baxaan carruur badan oo aan lahayn cid daryeesha islamarkaana aan helin waxbarashada asaasiga ah kaddibna ku noqda bulshada culeys aanay qaadi karin.
Kaalinta khilaafka kadhasha guurka Xaas kale ee kadhex dhasha qoysaska dhisan iyo Maareyntiisa ayaa kamid ah arrimaha sida weyn dooddu u dul istaagtay sidaas oo kalana kaqaybgalayaasha ayaa su’aalo badan oo la xiriira guursashada xaasaska badan iyo xeerka Islaamku u dejiyey waxa ay weydiiyeen barayaasha iyo aqoon yahanka ka qaybgalay dood-cilmiyeedka.

Mustaqbal Forum & Xarunta guryosamo ayaa wada-qabtay Dood-cilmiyeedkan
