Uganda oo ciidanka ay u dirayso Gaza ku tusaalaysay kuwa ay usoo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda oo doonaysa in ay qayb ka noqoto howlgalka ciidamada Shisheeye lagu gaynayo Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin ayaa xoojinta hadafka qorshahaas tusaale uga dhigtay ciidanka ay Soomaaliya usoo dirtay sannadkii 2007

Uganda waxa ay indhaha ku haysaa sidii ay qayb uga noqon lahayd 20 kun ee Askari ee dalalka kala duwan ka socda ee la qorsheynayo in la geeyo Magaalada Gaza iyada oo la ogyahay culayska ay magaaladaas kala kulmeen ciidanka ku duullay ee Israa’iil.

Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay qaraarka fasaxaya Ciidamada dalkooda in la geeyo Magaalada Gaza inkasta oo weli aanay si dhab ah u dhaqangelin qorshihii heshiiskaas oo Xamaas iyo Israa’iil labo dhinac kala istaageen.

Xamaas ayaa shuruud ka dhigtay hub ka dhigisteeda in Israa’iil ay ka baxdo Magaalada Gaza halka Yuhuudda ay iyanna shardi ka dhigtay in Xamaas hub dhigis samayso kaddibna ay bixi karto waana dood waji kale u yeeshay heshiiskii horay loo galay.

Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka ayaa isaga oo raadinayay taageerada xildhibaannada waxa uu tusaale usoo qaatay Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in ay ciidamada ay u direen ay guullo taariikhi ah soo hoyiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Xubno katirsan Baarlamaanka Uganda ayaa sheegay in ay dhaqaale badan ka heli karaan howlgalka Gaza, waxa ay tusaale usoo qaateen in howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay lacag badan kasoo gashay sida ay hadalka u dhigeen.

Uganda ayaa sababta ay marweliba heegan ula tahay qaadista ciidankeeda loo arkaa in ay dhaqaale ka samaynayso maadaama askarteeda loo diray nabad ilaalinta markii ay dib ugu laabteen waddankooda ay ku mashquuleen Xildhibaan raadin & dhismo casri ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DFS oo saxiixday mashruuc lagu dhisayo Waddo 45 KM ah oo Hargaysa laga dhisayo

Read Next

Meta oo Ganaax lacageed ku mutaysatay in ay kahortagi waysay Waxyaabo khatar ku ah Carruurta