Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa sheegay in dowladdu si gaar ah uga shaqeyneyso sidii loo horumarin lahaa nidaamka socdaalka dalka, isagoo xusay in dowladda Turkiga ay door muuqda ka qaadaneyso aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga.
Dhuxulow oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka ay wado qorshayaal ballaaran oo lagu tayeynayo shaqaalaha iyo nidaamka amniga, iyada oo lala kaashanayo saaxiibada caalamiga ah.
Wuxuu xusay in dalalka reer Yurub ay ballanqaadeen iskaashi dhow, balse Soomaaliya si gaar ah ugu baahantahay garab istaaga Turkiga.
“Runtii waxaan rabnaa inay nala shaqeeyaan oo na siiyaan taageero ku saabsan aqoonsiga baasaboorka,” ayuu yiri Dhuxulow, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay ka go’antahay helida Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga maadaama uu qeyb weyn ka yahay sumcadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.
Dhuxulow ayaa ku tilmaamay Turkiga walaal iyo saaxiib dhow oo mar walba garab taagnaa Soomaaliya, isagoo ku baaqay in taageeradaas la labanlaabo, gaar ahaan dhanka socdaalka, tababarka shaqaalaha iyo xoojinta nidaamka aqoonsiga baasaboorka.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa xusay in ay diirada saareen sidii loo adkeyn lahaa Amniga xuduudaha, iyadoo laga hortagayo in ay dalka ka baxsan Xubnaha AS iyo Daacish.
Wuxuu xusay in ay xiriir dhow la leeyihiin dalalka Caalamka iyo Booliiska Interpool oo ka taageeraya dhinaca soo qabashada dambiileyaasha iyo adkeynta Amniga.
Mustaqbal
