Turkiga oo soo bandhigay taangiga casriga ee Altay

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u soo bandhigtay taangiyada casriga ah ee Altay, kuwaas oo lagu wareejin doono Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga oo ah xubin ka ah gaashaanbuurta NATO.

Munaasabadda lagu soo bandhigayo taangiyada Altay ayaa lagu qaban doona caasimadda Ankara, waxaana ka soo qaybgalaya Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo sidoo kale rasmiya u furay xarunta warshadeynta hubka casriga ah ee Turkiga.

Madaxweyne Erdoğan ayaa hore u sheegay in dalkiisa gaari doono Madaxbanaani hubka iyo tignoolajiyadda casriga.

Taangiga Altay, oo loogu magac daray Fahrettin Altay taliyihii 5aad ee Ciidanka Fardaha Turkiga ee qabsaday magaalada Izmir, xilligii ay socdeen dagaallada Xornimo doonka.

Taangiga Altay waxaa si buuxda u horumariyay injineerro Turki ah, waxaa lagu qalabeeyay tignoolajiyo sare, nidaamyo difaac iyo awood xoog leh, taas oo ka dhigaysa mid la tartami kara taangiyada ugu awoodda badan ee difaaca caalamka.

Turkiga ayaa sanadihii la soo dhaafay waday sare u qaadida awooddiisa dhinaca difaaca, wuxuuna hore u soo kordhiyay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Bayrakdar iyo agab kale oo casri ah.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Khasaare ka dhashay Shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Kenya

Read Next

Uganda oo Soomaaliya u soo direysa Ciidamo kamid noqon doona Howlgalka AUSSOM