Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga Maxamed Cabdullahi Jaamac, ayaa sheegay in wadahadallada Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Somaliland uu dib u billaabanayo.
Jaamac ayaa Magaalada Ankara kula kulmay Danjirihii hore ee Turkiga u joogay Muqdisho Olgan Bekar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Waxyaabaha ay sida gaarka ah kulankaas ugu lafa gureen waxaa ka mid ahaa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, qibradda Baker uu ka qaatay Soomaalida intii uu danjiraha ahaa iyo wadahadalka dowladda dhexe iyo Somaliland.
Danjire Jaamaca ayaa sheegay in Olgen uu soo jeediyay in wadahadallada dib loo billaabo si loo dhameeyo kala aragti duwanaanta Soomaalida,waxaana uu xusay in uu u ballan qaaday in wadahadallada ay dib u billaaban doonaan.
Sidoo kale waxaa uu Bekar u ballanqaaday wadashaqeyntii iyo soo dhaweyntii uu isaga ku heystay Muqdisho la siinato danjiraha cusub ee Turkiga u magacaabay Soomaaliya oo hadda Muqdisho ku sugan.
