Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray
Wararka Mustaqbal ay ka heleyso Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ay tagayaan maanta Saldhigyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Jubada Hoose.
Qaar kamid ah Fariisimaha Ciidamada ay dhawaan ka sameysteen Duleedka Magaalada Kismaayo ayay wafdigaan Kormeer ku sameyn doonaan.
Waxaa tan iyo Xalay Magaalada Kismaayo ka socdayo Kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweyne Axmed Madoobe iyo La taliyaashiisa dhanka Ammaanka.
Wararka Mustaqbal heleyso ayaa sheegaya in ay ka wada hadlayeen sidii loo jiheen lahaa Ciidamada guutada 43-aad ee Jubbooyinka ka howlgala.
Magaalada Kismaayo waxaa shalay gaaray wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe, waxaana soo dhaweeyay Xubno katirsan Maamulka Jubbaland, isaga oo kulamo la qaatay Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in Dowladda ay rasaas u diiday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland si ay u qaadaan Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxaana kasii horeeyay in Maamulka Jubbaland ay Kismaayo u diideen Taliyaha guutada 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo ay Dowladda Federaalka Xilkaas u magacawday.
