Taliyaha cusub ee Ciidanka Kenya oo safar ku yimid gudaha Soomaaliya

Taliyaha cusub ee Ciidanka Difaaca Kenya (KDF), Lieutenant General David Keter, ayaa safar ku yimid gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka Dhobley, Afmadow iyo Kismaayo.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socota ayaa kormeeray Ciidamada Kenya ee ku sugan saddexda magaalo, isaga oo ka dhageystay warbixino.

Jeneraal Keter ayaa ka hadlay dagaalka AS oo ciidanka Kenya qeybta ka yihiin, isaga oo tilmaamay in xoojin doonaan howlgallada ka socda deegaannada Jubbaland.

Wuxuu muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Kenya in ay sii waddo taageerada ay siineyso dadaallada amniga ee Soomaaliya.

Howlgalka AUSSOM ayaa badalay kii hore ee ATMIS, waxaana qeyb ka ah dalalka ay kamid tahay Kenya.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Read Previous

Shirkii dhammeystirka maamulka SSC Khaatumo oo maanta furmaya

Read Next

NISA oo howlgallo ka fulisay gudaha gobolka Hiiraan