Dowladda Uganda oo xirtay Sarkaal lagu eedeyay khalkhalin amni
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kormeer shaqo ku tegay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo kulammo la yeeshay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan magaalada.
Intii uu kormeerka ku jiray, Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay gudashada waajibaadka qaran, adkeynta heeganka iyo ilaalinta amniga. Sidoo kale, wuxuu saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, iyo howlgalada ay ciidamadu ka wadaan halkaas.
Kormeerkan ayaa ku soo aadaya xilli iska hor imaadyo hubeysan ay maalmihii la soo dhaafay ka dhacayeen deegaanno ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.
Mustaqbal
