Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Maalintii Axadda, Taliban ayaa la wareegtay awoodda Afgaanistaan ka dib dhowr toddobaad oo guulo milateri oo cajiib ah ay ka gaareen guud ahaan wadanka.
Kooxda hubaysan ayaa lagu afgambiyay duullaankii uu Maraykanku hoggaaminayay sannadkii 2001 ka dib weeraradii 11kii Sebtember lagu qaaday Mareykanka, laakiin si tartiib tartiib ah ayay dib ugu soo ceshatay maamulka, iyadoo weerarro badan ku qaadday ciidanka NATO iyo sidoo kale ciidamada Afghanistan 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Daalibaan, oo macniheedu ku yahay afka Pashto ee looga hadlo Afganistaan “arday”, ayaa hada qorshaynaysa in ay badasho sawirka mayal adayga ah ee laga hayso iskana dhigto dhexdhexaad, laakiin goobjoogayaasha Afgaanistaan iyo kuwa caalamiga ah ayaa weli shaki ka qaba.talaadadii, afhayeenka kooxda Zabihullah Mujahid ayaa ballanqaaday inuu ilaalin doono xuquuqda haweenka iyo xorriyadda saxaafadda isaga oo ka hadlaayay shirkii jaraa’id ee ugu horreeyay tan iyo markii ay la wareegeen maamulka dalka.
Sidee lagu Aas-aasay.

Hoggaamiyeyaal badan oo ka tirsan Daalibaan ka hor intii aan la aasaasin kooxda hubaysan horraantii 1990 -meeyadii, ayaa ka barbar dagaallamay Mujaahidiinta Afgaanistaan oo ka soo horjeeday qabsashadii Soofiyeeti sannadkii 1980 -kii.
Mujaahidiintu waxay hub iyo lacag ka heleen Mareykanka iyo Sucuudiga oo loo mariiyay maadaama ay qayb ka ahaayeen adeegsiga siyaasaddiisa ka dhanka ah cadowgiisa Ruushka xilligii Dagaalkii Qaboobaa.
Waqtigaas, Soofiyeedku waxay taageereen hoggaamiyeyaasha shuuciga ee afgembiga dhiigga ku daatay ku sameeyay madaxweynihii ugu horreeyay ee qaranka, Mohammad Daoud Khan, 1978.
Ka dib markii ay Soofiyeetku ka baxeen 1989-kii, dagaal ayaa ka qarxay, 1992-kii, waxaa dhacay dagaal sokeeye oo dhammaystiran oo ay la galeen taliyayaashii Mujaahidiinta oo u dagaallamayay awoodda dalka waxayna kala qaybiyeen magaalada caasimadda ah ee Kabul, oo maalin walba lagu garaaci jiray boqollaal gantaal oo dhinac walba ah.
Kooxda hubaysan ee Daalibaan ayaa si muuqata u soo ifbaxday horraantii 1990 -meeyadii. Xubno badan oo ka mid ah waxay wax ku barteen iskuulada diinta ee Afghanistan iyo xadka Pakistan.
Waxay gaareen guulo milatari oo deg deg ah, iyagoo ku guuleystay gacan ku haynta Kandahar, magaalada ugu weyn dalka marka laga soo tago magaaladda Caasimadda ah Kabul, waxayna ballanqaadeen in ay ka dhigi doonaan magaalooyinka ammaan. Sannado dagaal ka dib, dadku guud ahaan way soo dhaweeyeen, iyagoo ka dheregsan in taliyayaasha Mujaahidiinta iyo ciidamadooda lagu eedeeyey in ay ku xadgudbeen xuquuqda iyo dambiyo dagaal intii ay ku jireen halgankii awoodda.
Sannadkii 1996 -kii, Daalibaan waxay qabsadeen caasimadda waxayna daldaleen madaxweynihii ugu dambeeyay ee shuuciga ee Najibullah Ahmadzai. Waxa ayna ku dhawaaqday Afghanistan in ay tahay Dowlad Islaami ah waxayna bilowday in ay soo rogto fasiraadda aadka u adag oo ay sheegtay in shareecada Islaamku banaysay.

Waxaa aqoonsaday saddex dal oo kaliya – Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Pakistan.
Kooxdu waxay ku guulaysatay in ay in ay dhisto guud ahaan hay’adaha dowladda waxayna go’aansadeen in ay wax ka qabtaan musuqmaasuqa baahsan, iyagoo ku guulaystay qayb ahaan.
Laakiin Taliban marna ma khafiifin xannibaadihii ay markii hore ku soo rogtay.
Xayiraadaha waxaa ka mid ahaa in dumarka laga mamnuuco waxbarashada iyo shaqaalaynta, marka laga reebo dhakhaatiirta dumarka ah. Qof kasta oo aan u hoggaansamin amarka waxaa lagu xiri karaa ama lagu garaaci karaa meel fagaare ah.
Xukunkeedii lixda sano ayaa lagu eedeeyay in uu xadgudub ku ahaa qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay iyo xakameynta dhaqdhaqaaqyada kooxaha siyaasada iyo madadaalada sida muusigga iyo telefishanka.
Xitaa cayaaraha si aad ah ayaa loo nidaamiyay, maadaama ciyaartooyda ragga ah loo sheegay dharka ay xiranayaan iyo in guud ahaan la hakiyay cayaaraha marka lagaaro xiliyada salaada.
Sanadkii 1999-kii, Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Daalibaan maadaama ay xiriir la leheed Al-Qaacida, oo lagu eedeeyay weeraradii 11 Septembar ee Mareykanka.

Bishii Maarso 2001, Daalibaan waxay go’aansadeen in ay burburiyaan taallooyinkii taariikhiga ahaa ee Buudada ee gobolka Bamiyan, talaabadaas waxaa aad uga soo horjeestay inta badan wadamada caalamka oo isha ku haayay dhaqdhaqaaqyada kooxda.
Duullaankii 2001
Maraykanku wuxuu ku duulay Afgaanistaan 7-dii Oktoobar, 2001-dii, ka dib markii Taalibaanku diideen in ay u dhiibaan hoggaamiyaha Al-Qaacida, Osama bin Laden, oo ku dhuumaaleysanayay Afgaanistaan ka dib markii uu casuumaad ka helay taliyihii hore ee Mujaahidiinta Abdul Rab Rassool Sayyaf. Bin Laden waxaa loo arkayay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca ciidda Mareykanka.
Kahor duulaankii Mareykanka, kooxdu waxay weydiisatay maamulka Madaxweynaha Mareykanka George W Bush inuu bixiyo caddeyn ku saabsan doorkii Bin Laden ee weeraradii 11 Septembar iyada oo markii dambe wada xaajood ku galay Washington. Bush wuu diiday labadaba.

Taalibaan ayaa la afgambiyay dhowr bilood gudahood ka dib markii ay bilaabeen ololaha duqeynta Mareykanka iyo xulafadiisa, dowlad cusub oo ku meel gaar ah oo uu madax ka yahay Hamid Karzai ayaa la dhisay Afganistaan December 2001.
Saddex sano kadib, waxaa lagu dhawaaqay dastuur cusub; waxaa dib u habayn lagu sameeyay dastuurkii 1960 -kii kaas oo haweenka iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay si rasmi ah xuquuqdooda uu u siiyay boqorkii ugu dambeeyay ee qaranka, Mohammad Zahir Shah.
Laakiin sanadkii 2006, Talibanka la afgembiyey ayaa dib isu soo abaabulay waxayna awood u yeelatay in ay isku abaabusho dagaalyahano badan oo dagaalka oo la dagaalama ciidamada NATA iyo Dowladda xulafada la ah.
Qaran dumay
20-kii sano ee colaada waxaa si muuqata u burburay Afgaanistaan, iyadoo in ka badan 40,000 oo rayid ah lagu dilay dagaaladda u dhexeeya Taliban iyo ciidammada uu Mareykanku hoggaaminayo. Ugu yaraan 64,000 oo milateri iyo boolis Afghanistan ah iyo in ka badan 3,500 oo askar caalami ah ayaa sidoo kale la dilay.
Mareykanka wuxuu ku dhawaad 1 tirilyan oo doollar ku bixiyay dagaalka iyo dib -u –dhiska ciidanka iyo hay’adaha dowliga ah ee Afganistaan laakiin waddanku weli waa sabool kaabayaashiisii oo dhana waa burbursanyihiin.
Sannadkii 2011-kii, maamulkii Obama wuxuu u oggolaaday koox saraakiil Taliban ah in ay u guuraan Qadar, halkaas oo lagu wado in ay aasaaska u dhigeen wada-hadal fool-ka-fool ah oo ay la yeeshaan xukuumaddii madaxweynihii xilligaas Karzai.
Sannadkii 2013, xafiiska Doha ee Taalibaan ayaa si rasmi ah loo furay. Sannadkii 2018, maamulka Trump wuxuu bilaabay wadahadal toos ah in uu la yeesho kooxda. Dawladda Afgaanistaan lama casuumin.

Madaxa xafiiska siyaasadda Talibanka ee Doha, Abdul Ghani Baradar, ayaa heshiis la saxiixday Mareykanka bishii Febraayo 29, 2020, kaas oo u gogol xaaraya ka bixitaanka Mareykanka iyo ciidamada shisheeye ee kale. Daalibaan ayaa ballan qaaday inaysan weerari doonin ciidamada shisheeye ee uu horkacayo Mareykanka.
Heshiiska ayaa sidoo kale bilaabay wadahadalo nabadeed oo u dhexeeya Taliban iyo hoggaanka Afghanistan oo ka socda caasimadda Qadar. Laakiin Daalibaan waxay sii wadeen duulaankii milateri ee dhulka iyagoo ka qaybgalayay wadahadalada. Axaddii la soo dhaafay, waxay galeen madaxtooyada, iyagoo dib u qabsaday Afghanistan 20 sano kadib markii laga tuuray awoodda.
Mustaqbal Media+ Al Jazeera.
