Sweden oo iska fogeysay in ay wax ka ogeyd safarka baaqday ee Muuse Biixi ku tagi lahaa dalkeeda

Dowladda Sweden ayaa xaqiijisay in aysan waxba kala socon safar uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagi lahaa dalka Sweden.

Safarkaas ayaa la xiriiray ka qeybgalka dood ku saabsaneyn sida ay Somaliland ugu guuleysatay in ay nabad ku hesho iyada oo ku taalla Gobol colaad ka aloosantahay.

Warqad loo soo diiray Muuse Biixi oo uu shirka uga qeygali lahaa ayaa waxaa ku qorneyd in uu khudbad ka jeedin lahaa kana hadli lahaa mowduucaas.

Hayeeshee markii ay warqaddaasi soo baxday ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay la xiriirtay Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Labda xafiis ayaa iska fogeeyay in ay ku lug leeyihiin ama ka warhayaan socdaalka Muuse ee Swden,kaas oo hadda baaqday.

Socdaalka Muuse waxaa abaabulayay Dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalkaas iyo xildhibaan ka mid ah Guddiga saaxiibada Baarlamaannada Somaliya iyo Sweden oo lagu magacaabo Magnus Oscarson.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan kulankaas waxaana baaqday safarkii uu Muuse Biixi uga qeybgeli lahaa iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin in baajinta safarkaas dalbatay dowladda Federaalka ah.

Web master

Read Previous

Wasaaradda Amniga DF oo Guddi u xilsaareysa  Xiisadda ka taagan Gobolka Hiiraan.

Read Next

Saraakiisha DANAB oo faah faahiyay howlgal ay ka fuliyeen Jubada Hoose