Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dalka Suuriya ee isbaddelka cusub galay horraantii Bishii Deseembar sanadkii tagay ee 2024 waxaa weli laga baadigoobayaa dad la waayay muddadii maamulka dalkaas isaga kala dambeeyeeyn Bishaar Xaafid Al-Asad iyo aabihiis.
Dadka waxaa la waayay laga soo billaabo sanadkii 1970kii oo dalkaas maamulayay Xaafid Al-Asad, halka qaybta kale la qabtay sanadkii 2011kii oo ku beegan waqtigii uu billowday kacdoonkii Guga carabta oo Bishaar ka badbaaday in xilka looga tuuro.
Waxaa la waayay xogta Dad gaaraya 300,000 oo ruux oo isugu jiray Rag iyo Dumar kuwaas oo markii ugu dambeysay ay xireen ciidamadii ka amar qaadanayay Xaafid Asad iyo Wiilkiisa Bishaar oo xilka Madaxweynaha Suuriya ugu dambeeyay.
Warbixinnada ayaa muujinaya in la helay Xabaal-wadareed la garan waayay Dadkaas waxa ay ahaayeen maadaama jirkooda uu isbaddelay, lana hayn magacyadooda loona badinayo in qaar kamid ah Dadka la waayay inay ku jiraan.
Dowladda cusub ee Suuriya ayaa jabisay xabsiyo waa weyn oo ku yaalla Suuriya kuwaas oo qaarkood laga helay dad (Waashay/Miyirka beelay) kaddib dhibaatooyin ay ka dhaxlayn ciqaabta ay u geysanayeen ciidamada xabsiyadaas ku hayay.
Waxaa guuldaraystay in la raadiyo xogta dadkii ku dhowaa Bishaar Al-Asad si loo raad-raaco dadkaas la waayay, qoysas badan ayaa murugo ku nool weli mar haddii ay la’ yihiin xogta dadka ka maqan, inkasta oo maamul cusub dhashay.
Mustaqbal
