Suuragal ma tahay in Maanta uu furmo Shirka Dhuusamareeb (4)?

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeen kahor ku dhawaaqay in Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmayo shirweyne qaran 1-da Febaraayo 2021 si loo soo gaba-gabeeyo 3-da Feb 2021 waxaana miiska saaran ka doodista qaabka looga gudbi karo khilaafka hortaagan Doorashooyinka ay ku heshiiyeen dhinacyadaan 17-September 2020.

Mas’uuliyiin katirsan DG Galmudug ayaa Mustaqbal u sheegay in maanta ay saacadaha hore ee maanta ilaa duhurkii in ay sugayaan wufuudda horudhac u ah madaxda heer Federaal & heer Dowlad Goboleed si gelinka dambe maanta ay Madaxda ay u caga-dhigtaan Dhuusamareeb.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in shirka furmashadiisa ilaa berri gaari karo, balse marka ay madaxda isugu tagto Dhuusamareeb ay yeelanayaan kulamo gaar gaar ah & kuwa guud oo lagu gundhigayo ujeedka wada-xaajoodka habka looga gudbayo Doorashooyinka.

Furmashada shirka ayaa ku xiran sida Madaxda ay u tagto Dhuusamareeb & in aysan caqabado horleh & is jiid-jiid aan dhammaad lahayn ka dhalan gogosha, maadaama laga doonayo qodobada loo arko in looga gudbi karo khilaafka waqti dheeraaday.

Haddaba, Suuragal ma tahay in maanta Madaxda heer Federaal & heer Dowlad Goboleed ay gaaraan Dhuusamareeb si uu u furmo Shir weynaha uu ku dhawaaqay MW Farmaajo?

Mustaqbal.

MM Editor

Read Previous

“AUN Gen Galaal waa halyey dalkeenna soo difaacay” Xasan Sheekh Maxamuud.

Read Next

Janan: DFS Hubkii Turkiga uu u siiyay la dagaalanka Shabab ayay u adeegsatay Balad Xaawo.