Kenya oo hoos u dhigaysa qiimaha Gallayda & Bacriminta Beeraha
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarkii Hotel Afrik si gaar ah AUN Gen. Maxamed Nuur Galaal oo xilal kala duwan kasoo qabtay Ciidamada Militariga Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Marxuum Galaal uu ahaa halyey qaran oo kaalin wanaagsan ka qaatay difaaca dalka, isla markaana uu tusaale u ahaa guud ahaan Soomaalida.
“Waxaan murugada la qeybsanayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Afrik, si gaar ah waxaan uga tacsiyeynayaa geerida marxuum Gen. Maxamed Nuur Galaal oo ahaa halyey dalkeenna soo difaacay. Waxaan Alle uga baryayaa naxariistiisa janno, innagana samir iyo iimaan Alle ha naga siiyo. Argagixisadu Diin Maleh” Sidaasi waxaa qoraalkiisa ku yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Janaraal Galaal oo ahaa Taliyihii Dajiyay, hoggaaminayayna Dagaal ay Soomaaliya iyo Itoobiya wada galeen taariikhdu markay ahayd 1964-kii, sidoo kalena ka qayb-galay dagaalkii Kululaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Itoobiya sannadkii 1977-kii.
Generaal Galal ayaa ahaa Taliyihii hoggaaminayey Ciidammadii Soomaaliya ee la wareegay ama qabsaday magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya iyo meelo kale oo Itoobiya ah.
Jeneraal Galaal ayaa noqday dowladdii Cali Mahdi 1991 Wasiirka Gaashaandhigga, isagoo taliyaha Ciidanka kanoqday dowladdii KMG ee C/qaasim Salaad Xasan, ee lagu soo dhisay Carta 2000.
Waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu caansanaa uguna qibrada badnaa ee Soo mara ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mustaqbal.
