Dowladda UK oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso ka hortaga weerarada AS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee ka dhanka ah AS iyo taageerad dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wada hadlay mowduucyo kala duwan iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, looga hortago weerarada AS.

Wasiir Fiqi ayaa Dowladda UK uga mahadceliyey taageerada iyo garab-istaagga ay siiso Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Dhaqaale la’aan ay wajahayaan Ciidamada Howlgalka AUSSOM, isla markaasna ay Askarta Soomaalida isku diyaarinayaan la wareegida mas’uuliyadda Amniga Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho