Sucuudiga oo qirtay dilka Jamal Khashoggi

Sucuud Al Qaxtaani,lataliyaha MBS iyo Axmed Al Casiiri taliye ku xigeenka sirdoonka.

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa qiratay dilka Wariye Jamal Khashoggi, oo 2dii Bishan lagu dilay gudaja Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul.

Boqorka Sucuudiga ayaa xabsiga dhigay 18 Qof,waxaa kale oo shaqada laga eryay labo sarkaal oo sare kuwaas oo kala ah Taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga iyo lataliyaha Dhaxal Suge Maxamed Bin Salmaan.

Boqortooyadu waxaa ay sheegtay in Jamaal uu ku dhintay dagaal isaga iyo shaqaalaha ku dhexmaray gudaha Qunsuliyadda sidaasna uu ku geeriyooday.

Sucuudiga ayaa cadaadis badan kala kulmaya dalalka Caalamka oo uu Mareykanka ugu horreeyo.

Qirashadan waxaa ka hadlay Madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in ay war fiican tahay in meel la saaro arrinta islamarkaana dad loo xiro.

Madaxweynaha Turkiga iyo Boqorka Sucuudiga ayaa kuwada hadlay Khadka Taleefanka,waxaana ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan baarista arrintan.

Sidoo kale Boqor Salmaan ayaa sameeyay Guddi heer Wasiir ah oo uu guddoomiye ka yahay dhaxal suge Maxamed Bin Salmaan,kuwaas oo dib u eegis ku sameynaya habka dhismaha sirdoonka Dalka Sucuudiga.

Mustaqbal media

Read Previous

Saudi Arabia fires 5 top officials and has arrested 18 Saudis after admitting Jamal Khashoggi was killed in a fight at consulate in Istanbul

Read Next

Midwoga Yurub oo sheegay in Burcad Badeedda Soomaalida ay Doon Weerareen.