Sucuudiga oo iibiyay Qunsuliyaddii lagu dilay Jamal Khashoggi

Dowladda Sucuudiga Carabiya aya ala xaqiijiyay in ay iska iibisay Dhismihii Qunsuliyaddeeda Magaalada Istanbul ee  Dalka Turkiga.

Haberturk TV, oo ah Telefeshan laga leeyahay dalka Turkiga ayaa baahiyay in dhismahaas laga iibiyay Maalqabeen la qariyay lagana bixiyay saddex meelood laba meel qiimaha saxda ahaa ee uu joogay lana gaday 45 Maalmood ka hor.

Dowladda Sucuudiga ayaa Qunsuliyad cusub ka iibsatay Degmada Sariyer  ee isla Istanbuul halkaas oo sidoo kale ku taallo qunsuliyadda Mareykanka ee Istanbuul.

Sarkaal magaciisa qariyay kana tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa waxaa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo arrintan, isaga oo u sheegay Wargeyska Middle East Eye  in uusan ka warqabin arrintan.

Qunsuliyadda la iibiyay ee Sucuudigu ku lahaa Istanbuul ayaa waxaa 2dii October sanadkii 2018kii lagu dilay Wariye Jamaal Khashoggi .

Dilka Wariyahaas ayaa waxaa uu sababay dhaleeceyn caalami ah dowladda Sucuudiga ayaa dhowr jeer dafirtay in ay dilkiisa ka dambeysay hayeeshee ugu dambeyn waxaa ay xaqiijisay in koox ka mid ah sirdoonka Sucuudiga dileen kuwaas oo shan ka mid ah la eryay maxkamadna la soo saaray.

News Editor

Read Previous

Maxay tahay sababta Taliyaha Sirdoonka Angola u yimid Muqdisho?

Read Next

US airstrike in Somalia kills 2 al-Shabaab militants