Sooyaalka Khilaafka siyaasadeed ee Laamaha Fuinta iyo xeerdejinta Soomaaliya

House of the people, Photo: Mustaqbal, Mohamed Ibrahin-January-2019

Laga billaabo 2000-2016 afar xukuumadood oo soomaray  dalku waxa ay la kulmeen khilaaf  kadhexdhalanayey laanta fulinta oo ku dhammaanayey in la eryo wasiirka koowaad, sidaas awgeed afartii madaxweyen ee xukuumadahaasi waxa uu mid walba magacaabay saddex raisalwasaare.

Madaxweyne Cabdiqaasin Salaad Xasan, 2000-2004

Dr: Cabdiqaasin Salaad Xasan madaxweynihii dowladdii kmg ahayd ee 2000-2004 ayaa magacaabay 3 raisalwasaare muddo 4 sano ah, taas oo kadhigan in uu dhisay 3 xukuumadood oo kmg ah.

Raisalwasaare Cali Khaliif Galayr, Raisalwasaarihii 8aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliye

Dr: Cali Khaliif Gallayr ayuu madaxweyne Cqaasin u magacaabay xilka Raisalwasaaraha bishii October-2000, muddo sanad ah kaddib October-2001 ayuu xilka kategey kaddib khilaaf ka dhex aloosmay Galayr iyo madaxweyne Cabdiqaasin

RW Xasan Abshir Faarax

Xasan Abshir Faarax ayuu madaxweyne Cadqaasin u magacaabay xilka wasiirka koowaad markii 2aad, waxasaae  khilaaf siyaasadeed oo ka dhexdhashay  madaxweynaha iyo Raisalwasaare Xasan Abshir Faarax sababay in  Cabdiqaasin mar saddexaad wasiirka koowaad u magacaabo Maxamed Cabdi Yuusuf, Raisalwasaare Yuusuf waxa uu xilkaas hayey December-2003-illaa November-2004

RW Maxamed Cabdi Yuusuf

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa  Cali Maxamed Geeddi u magacaabay xilka wasiirka koowaad, raisalwasaare Geeddi waxa uu xilkaas hayey illaa October-2007.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed- 2004-2008

kaddib muran siyaasadeed oo dhexaray Geeddi iyo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxa uu Geeddi ka degey xilka Nov-2007,

RW Cali Maxamed Geeddi

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa xilka wasiirka koowaad u magacaabay Gaashaanle sare Nuur Xasan Xuseen oo xilkaas hayey illaa 2009,

RW Nuur Xasan Xuseen

mar saddexaad khilaaf kale oo dhexmaray RW Nuur Cadde iyo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sababay in madaxweyne Cabddullaahi Yuusf xilkaas u magacaabo Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmadheere bishii December-2008,

laba todobaad kaddib ayuu Gacmadheere iska casilay xilkaas.

MW Sheekh Shariif 2009-2012

Doorasho kadhacday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti yaa January-2009   Sheekh Shariif Sheekh Axmed guddoomiyaha midowga axkamaduhu waxa loogu doortay in uu noqdo madaxweynaha dowladda kmg ahayd, February-2009, Raisalwasaare Cumar CabdirashiidCali Sharma’arke  in uu noqdo Raisalwasaarha xukuumadda kmg ah,

RW Cumar Cabdirashiid

waxa uu xilkaas hayey illaa September-2010, khilaaf siyaasadeed oo dhexmary Rw Cumar iyo Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sababay in uu xilka kadego, waxaana madaxweyne Shariif  si kmg ah ugu magacaabay xilka wasiirka koowaad in uu sii hayo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex

Xildhibaan Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex

November-2010 ayuu madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu xilka Wasiirka koowaad u magacaabay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo madaxweynaha xilligan ee Soomaaliya

MW: Shariif, Shariif Xasan iyo RW Farmaajo, Dhaarintii xilka raisalwaaraha

khilaaf siyaasadeed oo gaaray in loo baahdo gacan saddexaad ayaa sababay in uu xilka kadego raisalwasaare Farmaajo oo xilkaas muddo muddo 7 bilood.

June-2011 ayuu mar saddexaad madaxweyne Shariif waxaa uu xilka wasiirka koowaad u magacaabay Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo xilkaas oo kamid ahaa xxukuumaddi Tayo ee Raisalwasaare Farmaajo, Cabdiweli Gaas waxaa uu xilkaas hayey illaa October-2012.

RW Cadbiweli Gaas

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo doorasho kadhacday magaalada Muqdisho September-2012 loogu doortay madaxweynaha 8aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xilka Raisalwasaaraha waxa uu u magacaabay Dr Cabdi Faarax Shirdoon Saacid bishii October-2012,

balse sanad kaddib waxa dhacay khilaaf u dhexeeya madaxweyne Xasan iyo Raisalwasaare Saacid kaas oo sababay in Cabdi Faarax Shirdoon katago xilka bishii December-2013

RW Cabdiweli Sheekh Axmed

Mar labaad waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka wasiirka koowaad u magacaabay cabdiweli Sheekh Axmed oo noqday raisalwasaaraha 17 aad ee Soomaaliya December-2013,  sidii caadada haayd madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxaa dhexmaray muran siyaasadeed iyo  hardan dheeraaday oo aaqirkii sababay in raisalwasaahare Cabdi weli oo xilkaas hayey muddo sanad ah uu xilka kadego, kaddibna Cumar Cabdirashiid ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay xilka wasiirka koowaad bishii December-2014 Cumar cabdirashiid waxa uu xilkaas hayey illaa March-2017

RW Cumar Cabdirashiid

February-2017 waxaa doorashadii labaad oo kadhacday Muqdisho xilka madaxweynaha Soomaaliya u tartamay kudhowaad 30 musharax balse  Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa  ku guuleystay in uu noqdo madaxweynaha Sagaalaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa uuna isla February-2017  u magacaabay Xasan Cali Kheyre  in uu noqdo raisalwasaaraha 19aad ee Jamhuuriyadda.

RW Xasan Cali Kheyre

16 sano kaddib weli Khilaafkii u dhexeeyey laamaha dowladdu waa taagan yahay balse waxa isbeddelay qaabkii uu u iman jiray, halkii uu khilaafku ka aloosmi jiray  laanta fulinta dhexdeeda ama is ay qaban jireen madaxweynaha iyo raisalwasaaruhu waxa  uu u wareegay dhinaca Baarlamaanka.

Halkii laanta fulintu isaqaban jirtay kaddiba ay xukuumaddu burburi jirtay hadda waxa isqabta laanta fulinta oo wadajirta iyo tusaale ahaan golaha shacabka oo aragti iyo ujeeddo ahaanba kala duwan karti iyo siyaasad ahaanna kala daadsan,  haddaba waa maxay sababtu?

Baarlamaanka Soomaaliya oo Asaaskiisu soo billowday xorriyadda kahor sanadkii 1956dii, 62 sano kaddib waxa uu wajahayaa caqabado badan oo ay ugu horreeyaan deegaan doorashada, metelaadda iyo xilgudashada, caqabadahaasi waxa ay la socdaan heerka siyaasadeed, Nabadgelyo iyo kan dhaqaale ee Dalka.

Sida ay muujiyeen warbixinada laga sameeyey iyo waaya-aragnimada laga helay Baarlamaanka Soomaaliya 16 kii sano ee ugu dambeysay waxa ay xubnihiisu u kala qaybsamaan marka ay dhacaan khilaafyada siyaasadeed 4 qaybood oo waaweyn.

  1. Xubno dhaqaale kasameeya difaaca iyo taageerada Khilaafka iyaga oo adeegsanaya halhayska xil ama xoolo, si kale marka ay timaaddo soo jeedin kadhan ah xukuumadda ama madaxweynaha waxa sameysma xildhibaano diiddan soo jeedintaas oo la jira madaxda ay soo jeedintaasi kadhanka tahay iyo kuwa taageersan soo jeedinta oo kahorjeeda madaxda ay lidka ku tahay, labadaas kooxood waxa ay khilaafka kasameeyana xoolo
  2. Xubno u oomaan xil oo doonaya in ay xukuumad walba kadhex muuqdaan tusaale ahaan waxa ay rabaan in xukuumaddu la eryo si ay xukuumadda cusub xil uga helaan
  3. Xubno aan xil iyo xoolo doon ahayn markaas balse illaalinaya Dano ganacsi iyo kuwa dhaqaale oo xilligaas socda sidaas awgeedna bixinaya taageero ama diidmo
  4. Qaybta 4aad waa Koox warmoog ah oo aan xil iyo xoolo doon ahay maslaxad ay illaalinayaan aysan jirin, intooda badan waa maqan yihiin ama danahooda gaaarka ah ayay haystaan.

Laanta fulinta oo wadajirta ayaa March-2018 sameysay olole ballaaran oo sababay in guddoomiyihii golaha shacabka oo xilligiisii labaad guddoominayey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka in uu xilka kadego kaddib cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo sababay in uu iscaislo kaddib 14 bil oo uu hayey xilka.

Mar kale waxaa soo baxay December-2018 Soojeedin kadhan ah madaxweyne Farmaajo oo ay golaha shacabka geeyeen 92 xildhibaan lana diiwaangeliyey balse waxa ay ku dhammaatay in guddoomiyaha golaha shacabku kaguuro madaxtooyada kaddibna dhowr iyo toban xildhibaan ayaa ka noqday soo jeedintaas, aaqirkiina guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in ay burtay oo xildhibaanada ku haray aanay lahayn tiro ay kohorgeeyaan golaha shacabka doodda soojeedintaas.

Haddii aad ogtahay iyo haddii kalaba Mushaarka, Gunnada, Shidaalka iyo Qarashka ku baxa Baarlamaanka waxaa bixiya xukuumadda Soomaaliya, tallaabadaasina waxa ay soo billaabat xilligii madaxweyne Xasan Sheekh,

Bixinta Qarashka Baarlamaanka ee xukuumaddu waxa ay kor u qaadeysaa illaa heerka ay xukuumaddu maamuli karto Baarlamaanka, waxa ayna  laanta fulinta siineysaa awood aan weli qeexnayn qaanuun ahaan oo ay ku goyn karto kharashka iyo danaha xubnaha golaha shacabku ku  leeyihiin meelo kale.

Mustaqbal Radio

General Editor

Read Previous

Wasiir Bayle iyo Boqorka  Bangiga Dhexe

Read Next

Puntland oo soo bandhigtay Itoobiyaanka deegaanadooda tagay sanadkii 2018.