Soomaaliya “Waxaan murugada la qeybsaneyna Uganda oo askar uga geeriyootay shil ka dhacay Muqdisho”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay murugada la qeyb saneyso Dowladda iyo Shacabka Uganda oo askar u dhashay diyaarad nuuca qumaatiga u kacda kula burburtay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Diyaarada shilka gashay ay la socdeen ciidamo ka tirsan Militeriga Uganda oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM.

“Geerida ciidamadaasi waxay markhaati u tahay geesinimada iyo ka go’naanta Dowladda Uganda ee garab istaagga safarka horumarineed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay halganka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada dhintay ee ka tirsan AUSSOM, waxayna sheegtay inay si buuxda ula garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Uganda xilligan adag.

Mustaqbal

 

 

MM News

Read Previous

Howlgalka AUSSOM oo war ka soo saaray diyaarada ku burburtay Garoonka Muqdisho

Read Next

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta mar kale dhageysanaya tabashada Madasha Mucaaradka