Soomaaliya oo sanadkii labaad heshay qoondo Xaj oo dhan 11,500 oo Xaaji

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah heshay qoondo dhan 11,500 oo Xaaji ah, kaddib markii Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, uu magaalada Jeddah kula saxiixday dhiggiisa Sacuudiga heshiiska qoondada Xajka ee sannadka 1448/2027.

Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee loo oggolaaday Xajka 2027 waxba kama duwana qoondadii sannadkii 2026, taas oo muujinaysa in aanay jirin wax kordhin ah oo ku yimid tirada Xujeyda Soomaaliyeed labadaas sano.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka iyo diblomaasiyiin Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Aby Axmed?