Ciyaaryahan Vinícius Jr oo fariin qiiraysan u diyaaray 13 jir Suudaanees ah oo lugihiisa ku waayay Duqayn

Xiddiga kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid waa Vinícius Júnior ayaa fariin muuqaal ah oo murugo ka muuqata u diray Zaher oo 13 jir ah lugihiisa ku waayay duqayn ka dhacday Dalkiisa Suudaan sannadkii 2024 isaga oo ahaa da’yar hibo u leh Kubadda Cagta.

Vinícius Júnior ayaa Zaher ku casuumay Magaalada Madrid halkaas oo ay kuwada kulmi doonnaan isaga iyo qoyskiisa si uu u garan istaago intii itaalkiisa ah maadaama uu murugo aan ka harin uu ka dhaxlay dagaalka Sokeeye ee dalkiisa.

Zaher ayaa ka qaybgali doonna daawashada mid kamid ah kulan ciyaareedka Xagaagaan Kooxda Cadcadka ee Real Madrid waana suuragal in saf sharafeed loo sameeyo oo arrintiisu noqono mid ka gudubta Vinícius Jr si marar kala duwan sidaas oo kale u dhacday.

Isbitaal ku yaalla Magaalada Qaahira ee Caasimadda Masar ayaa Zaher loogu sameeyay Qalliin lagu guullaystay in loo heliyo lugo macmal ah taasi oo keentay in uu si taxadar leh uu kubadda ula dheelo saaxiibadiisa inkasta oo qalbi xannuun uu ka dhaxlay duqayntii uu lugihiisa ku waayay.

Zaher ayaa u mahadceliyay Ciyaaryahanka Kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid ee Vinícius Júnior isaga oo ku tilmaamay qof xushmad badan oo garab istaag u muujiyay kuna casuumay Magaalada Madrid ee Caasimadda Dalka Spain.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Xoghayaha Difaaca Maraykanka oo ka badbaaday mooshin xilka looga qaadi rabay

Read Next

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo RW Aby Axmed?