Soomaaliya oo ka tacsiyaysay Dadkii Masar uga dhintay Shilka Tareen ee ka dhacay Giza

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya dhiggeeda Masar uga tacsiyaysay dadkii ku dhintay Shilkii tareen ee ka dhacay Magaalada Giza oo galaaftay nolosha ugu yaraan 7 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 125 ruux.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Masar u sheegtay inay uga tacsiyayneeso dadka ku dhintay Shilka iyo kuwa ku dhaawacmay iyada oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qaahira sida lagu yiri bayaan kasoo baxay XFS.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, kaddib shilkii tareen ee 8-dii Nofeembar 2026 ka dhacay magaalada Giza, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo” Sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.

“Dowladda Soomaaliya waxay murugada la qeybsaneysaa walaalaheeda reer Masar xilligaan adag” Sidaasi waxaa la sii raaciyay Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Rag looga shakiyay AS oo Mandheera ku dilay Injineero laami dhisayay