Soomaaliya iyo Masar oo kala saxixiday heshiis ka kooban Saddex qodob.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Shalay oo Khamiis eheyd kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Sameh Shoukry.

Wadahadal ay yeesheen ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida.

Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

 

Web master

Read Previous

Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay iney ansixisay Sharciga Jaan-goynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Read Next

Aqalka sare oo Puntland ku taageeray muranka dhanka Imtixaanka mideysa ee Shahaadiga.