Somaliya oo beenisay in Norway shidaal ka baareyso dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in Dowladda Norway ay shidaal ka baareyso Gudaha Soomaaliya.

C/Rashiid Maxamed Axmed oo ah Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in arrintaasi aysan jirin.

Wasiirka oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaalida ee Oslo Norway,ayaa sheegay in Norway iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan islamarkaana ay Soomaaliya ka qabato shaqooyin kala duwan oo ay ka midyihiin tababarka shaqaalaha Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka.

Waxaa uu meesha ka saaray warara soo baxay oo sheegaay in Norway sharikad laga leeyahay ay shidaal baaris ka billaabeyso gudaha Soomaaliya.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Gobolka Banaadir billaabay burburinta Jardiinooyinka,Sawirro

Read Next

Howlgal ka socda Buulo Burte kaddib qarax lagu dilay Askar Jabuutiyaan ah