Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Howlgalka Midowga Europe ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sheegay in ay fashiliyeen labo weerar oo kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah ay u geysteen doomo Kalluumeysi oo marayay Xeebaha SOomaaliya.
Weerarkaas ayaa dhacay Axaddii la soo dhaafay waxaana Kooxaha Burcad Badeedda ay isku dayeen in ay weeraraan Doomaha kala ah; Adria iyo Txori Argi, waxaana lagu weeraray meel 280NM u jirta Xeebaha Soomaaliya.
Howlgalka Midowga Europe ayaa sheegay in Doomaha Kalluumeysi laftooda ay wateen ilaalo hubeysan taas oo qeyb ka qaadatay in la fashiliyo weerarka.
Doomaha ay ku weerar tageen Kooxaha Burcad Badeedda ah ayaa la xaqiijiyay in Todobaadkii hore laga qafaashay Xeebaha Soomaaliya.
Warbixin ay soo saareen howlgalka la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaalida ee Midowga Europe ayaa waxaa Doomaha iyo Maraakiibta adeegsanaya Biyaha Soomaaliya kuwa u dhow lagu faray in ay xoojiyaan ilaaladooda hubeysan si ay isu difaacaan haddii la weeraro.
