Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si masuuliyad leh oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah ugu wareejiso maxaabiista ay hayso hay’adaha ku shaqada leh arrimaha maxaabiista, sida Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC).
Wasiir Yoonis ayaa hadalkan ka sheegay warbaahinta xilli uu ka hadlayay maxaabiistii dhawaan laga soo daayay magaalada Laascaanood kuwaas oo la sheegay in loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho.
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay si nabad ah ku xalliso arrimaha la xidhiidha maxaabiista, isagoo carabka ku adkeeyay in ay sii deyn doonaan maxaabiista ay hayaan marka ay wada hadal rasmi ah la yeeshaan cidda ay arrintu khusayso.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu muujiyay walaac ay Somaliland ka qabto xaaladda dadka la sheegay in laga soo qabtay magaalada Laascaanood, isagoo xusay in dadkaasi aysan dhammaantood ahayn askar, balse ay jiraan dad rayid ah.
Wasiirka ayaa ugu dambayn ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa xuquuqda aadanaha in ay arrintan si dhow ula socdaan, si loo hubiyo in maxaabiistaasi loo helo daryeel ku habboon oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si badqab ah Maxaabiista ugu celin doonto deegaannada ay ka soo jeedaan ee Somaliland.
Mustaqabal
