MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Somaliland ayaa gashay cabsi dhinaca Amniga wixii ka dambeeyay aqoonsiga Israa’iil iyo safarkii uu Hargaysa ku tagay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuhuudda, iyada oo ay jiraan awaamiir cusub oo kasoo baxay Laamaha ammaanka ammaanka.
Sida ka muuqata macluumaadka laga helayo Hay’adaha ammaanka waxaa isbaddel cusub lagu sameeyay hannaanka lagu hubiyo Gaadiidka, Dadka, Diiwaangelinta iyo meelaha qaar oo laga mamnuucay Gawaarida iyo Dadweynaha.
Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Maamulka ayaa hubin gaar ah lagu mariyaa meelo kala duwan oo Hargaysa iyo duleedkeeda ah, waxaa intaas dheer Gawaraadiga leh summadda Maamulkaas oo qudhooda baaritaanno dheeraad ah lagu samaynayo.
Dadka Gawaaridooda hordhigta guryahooda, Goobahooda Ganacsiga iyo meelaha kale ee Dadku isugu yimaadaan ayaa la faray in ay Gaadiidkooda ka xaraystaan goobahaas, waxaa amarkaan lagu sheegay in lagu adkaynayo Nabadgalyada.
Waxaa intaas dheer in Dadka lagu qasbayo qaadashada Kaar lagu sheegay in uu yahay mid aqoonsi ah, dadka ayaa safaf dhaadheer u gala goobaha lagu diiwaangelinayo waxaana halkaas uga baxa waqti badan sida ay qaarkood ku doodeen.
Madaxtooyada, Hoyga Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro iyo meelo kale ayaa laga mamnuucay in ay dadku hor maraan, shaqsiyaadka haysta aqoonsiyada ayaa qudhooda lagu marinayaa hubin badan.
Mustaqbal
