Sidee Xukuumaddu u laaluushtay Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka BFS?

10; July-2018, waxaa Baarlamaanka 10aad gaartay warqad loogu sheegay in uu xirmay kalfadhigga 3aad ee Baarlamaanka 10aad, madaxweynaha Soomaaliya waxa uu xilligaas ku maqnaa safar dibadda ah, kusimihiisa oo ah guddoomiyaha golaha shacabkuna waxa uu joogay magaalada Baydhaba, xeer ahaan waxa ay ahayd in kalfadhiga Baarlamaanku xirmo maalinkaas maaddaama uu furmay 10kii -March-2018, xilligaas oo uu furay madaxweyne Farmaajo.

Balse Xiritaankan oo aan hab-maamuus loo marin waxa ku hoos jiray dhowr waxyaabood, tan koowaad

  1. waxa ay dhab ahaan shaqada Baarlamaanku istaagtay 28-May-2018, 42; maalin ka hor xiritaanka rasmiga ah kahor
  2. in kulamadii Baarlamaanka ee dhacay kalfadhigan ay ahaayeen kuwii ugu tirada yaraa taariikhda Baarlamaanada wixii kadambeeyey dhammaadkii xilliga kmg ah Agosto-2012
  3. Baarlamaanku waxa uu fadhigan ansixiyey xeerarkii ugu tirada yarayd!

Sidee ayay haddaba taasi u dhacday?

Aan dib ugu laabano sidii uu kalfadhigani ku billowday, 2; maalin kaddib markii u furmay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka 10aad, waxa ay xubnaha Baarlamaanku isugu yimaadeen kulankoodii 2aad, waxa ayna ku ansixiyeen xeerkii dhowridda gobanimada iyo midnimada gayiga Soomaaliyeed, kaas oo waxba kama jiraan kadhigayey heshiis saddex-geesood ahaa oo ku saabsanaa dekedda muhimka ah ee Berbera,heshiiskaasi waxa wadagalay Somaliland, Shirkadda DPW iyo dowladda Itoobiya.

Xeerka-dhowrida-Gobanimada–Midnimada-Geyiga-Soomaaliyeed

2; maalin kaddib ansixinta xeerkaas waxaa qaraxday colaad siyaasadeed kaddib markii xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo taageersan xukuumadda Soomaaliya ay keeneen mooshin ama dhaqaaq siyaasadeed ka dhan ah guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Sh. Cismaan (Jawaari), khilaafkaasi waxa uu jiitamayey muddo bil ah, sababtuna waxa ay ahayd xubnaha golaha shacabka oo isku khilaafay sharciyadda Mooshinka, taas oo horseedday in qaarkood taageeraan una ololeeyaan halka kuwo kalana ay ka soo horjeesteen, iyaga oo u cuskaday in uu ahaa mooshin siyaasadeysan oo ay xukuumaddu xagga dambe ka riixeysay.

Xildhibaan Jawaari, guddoomiyihii xilligaas ee golaha shacabku waxa uu mooshinkaas ku sheegay mid fowdo ah sidaas daraadeedna waxa uu diiday soo jeedinta xildhibaanadii taageersanaa mooshinka oo ka dalbaday in uu iscasilo, waxa uu sheegay in uu ku yimid hab sharci ah kuna bixi karo oo keli ah isla habkaas.

12; April-2018; waxa Jawaari lagu qasbay in uu iska casilo xilka, isaga oo dhowr goor warbaahinta u sheegay in madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu xilka guddoonka golaha shacabka iska casilo, waxa uu hor tegey golaha shacabka, waxa uuna ka hor sheegay in uu xilkaas dib ugu celiyey golaha shacabka oo wada-jooga.

Bidix: Madaxweyne Farmaajo, Midig: Xildhibaan Jawaari

18; maalin kaddib 30-April-2018; waxa ay golaha shacabku guddoomiye u doorteen Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, wixii kadambeeyana waxa ay shaqada golaha shacabku sii socotay muddo bil kale ah.

28-May-2018; ayuu dhacay kulankii ugu dambeeyey ee golaha shacabku waxaana ka qaybgalay 139; mudane, ajandaha kulankaas ayaa ahaa su’aal oraaheed ku wajahan wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, fadhigaasi waxa uu ahaa kii 11aad uguna dambeeyey ee goluhu yeesho, waxaana xubnaha golaha loo fasaxay bisha Ramadaan, qaarkood cumreysi ayay aadeen kuwana waxa ay dib ugu laabteen waddamadii ay ka yimaadeen si ay ula soo ciidaan qoysaskooda, tallaabooyinkaas oo dhanna waxaa la qaaday iyada oo aan rasmi ahaan uusan u xirmin kalfadhigii 3aad ee golaha shacabku.

Kulamada Kalfadhiga 3aad ee golaha shacabku oo ahaa 11; kulan waxa ay ahaayeen kuwii ugu tirada yaraa tan iyo sidii looga baxay xilliga kmg ah Agosto-2012.

Sababta waxa ay madaxda golaha shacabku ku sheegeen laba arrimood, Maxamed Xasan Nuux, habdhowraha golaha shacabka oo qaabilsan kulamada iyo socodka howsha Baarlamaanka ayaa sidan yiri:-

Guddoomiyaha Baarlamaanka marka mooshin laga keenayo tiro aad u badan ayaa keenta, xil ka qaadistiisana sidoo kaleeto, marka waxaa dhacay khilaafkaasi waxa uu qaatay muddo dheer, sida aad ogtahay kalfadhigu waa 4; bilood, laba bilood waxa qaatay Mooshinkaas iyo  xalkiisii, waxa kale oo waqti dheer qaatay markii mooshinkaas khilaafkiisii muddo socday waxa aad ogtahay in guddoomiyihii hore ee baarlamanaku Jawaari uu iska soo gudbiyey Istiqaalo, kaddibna la galay in dib golihii isugu soo noqdo, waxa ugu horreeya ee la sameyn karana waxa ay ahaayeen in la sameeyo guddi doorasho kaddibna la guda galo sidii ay doorashadu u dhici lahayd, marka kalfadhigan shaqada ugu weyn  ee la qabtay waxa ay ahayd ka gungaaridda khilaafkii oo soo afjarmay iyo in la doortay guddoomiye cusub, markaa kalfadhigani la mid ma ahayn kalfadhiyadii hore, oo xaaladahaas ayaa soo wajahay

Balse Baarlamaankani ma aha kan keli ah ee uu soo wajahay khilaaf siyaasadeed, tusaale ahaan Baarlamanakii 9aad xilligii uu shaqeynayey raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon, markii mooshinka laga keenay dhammaadkii 2013-kii, fadhiyadii guud ee Baarlamaanku qabtay kalfadhigaasi saddexaad  waxa ay ahaayeen 59; kulan, sanad kaddib waxaa Baarlamanka loo soo gudbiyey mooshin a dhan ah raisalwasaarihii beddelay Saacid oo ahaa Cabdiweli Sh. Axmed, mooshinkaasina waxa uu ku soo beegmay dhammaadkii 2014, xilligaas oo Baarlamaanku ku jiray kalfadhigiisii 5aad, waxa uuna kalfadhigaasi yeeshay 37; kulan, taas oo weli saddex jeed ka badan 11; kii kulan ee dhacay kalfadhigii ugu dambeeyey ee Baarlamaanka 10aad.

Sidaas oo kale iskuday Mooshin la doonayey in madaxweyne Xasan sheikh xilka looga qaado waxa uu isna ku soo aaday kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka 9aad, bartamihii 2015.

Baarlamaanku waxa uu kalfadhigaas yeeshay 38; kulan, haddaba muddada dheer ee kalfadhiga 3aad, Baarlamanaka 10aad uusan shaqeyn, qaabkii loo xiray  iyo khilaafkii hore ee guddoonka iyo laanta fulinta ayaa shaki geliyey hufnaanta shaqada Baarlamanaka ee kalfadhiga 3aad, sidaas oo kale waxa ay xildhibaano katirsan goluhu ku sheegeen habka loo xiray kalfadhigaas mid sharci-darro ah (illegal process), waxa kale oo ay xubnahaasi dhaliileen in si weyn looga caajisya ansixinta iyo meelmarinta xeerarkii horyaalay Baarlamanaka oo ahaa 11; xeer, waxa uuna kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka 10aad ansixiyey 2; xeer oo keli ah oo kamid ah 11-ka xeer ooh or tiil iyo xeer dheeraad ah oo ku saabsanaa dekedda Berbera.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur; oo kamid ah xildhibaanada ka welwelsan qaabka loo xiray loona maamulay kalfadhigan ayaa yiri:

Hab-raaca loo xiray kulanka golaha shacabka waxa uu ahaa hab-dhaqan  cusub oo aan la aqoon, marka la fiiriyo sharciyaddana aad u qaldan oo wax sharciyad ah oo uu ku fadhiyey aan la arag, guddoonka golaha shacabku ma lahan awoodda in uu isagu go’aamiyo xilliga la xirayo iyo xilliga la furayo, guddoonku waxa uu u horkeenaa golaha guud ajande ahaan, kaddibna waxa lagu diidaa ama lagu ogolaadaa aqlabiyadda golaha shacabka

Haddaba maxaa ka iman kara haddii golaha shacabku kulmi waayaan si ay u ansixiyaan shurucda badan ee hortaalla iyo in ay la xisaabtamaan laanta fulinta?, Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur; ayaa uga jawaabay sidan:

Waxa ka iman kara waa waxa hadda soconaya oo ay kow ka tahay in aan cidi la xisaabtami laanta fulinta ee dalka, in dhammaan wixii xeerar yiil aan waxba laga ansixin, tusaale ahaan shuruucda muhiimka ah ee ina hortaalla waxaa kow ka ahaa sharcigii hanta-dhowrka, sharcigii mamulka maaliyadda, xisaab xirka sanadkii 2017-ka oo ay ahayd in bishii January la gudo galo, sharciyo badan oo la xiriira xagga amniga iyo shuruuc badan oo ina hortaal, inahaas oo dhan wax ka hagaagaya lama arko ujeedka laga lahaana waa intaas

Tan iyo markii la sameeyey Baarlamaanka federaalka waxaa howshooda hareeyey murano iyo isqabqabsi siyaasadeed, kalsoonida shacabku ku qabaanna waxaa mar walba shaki gelinayey isbeddelada badan, xubnaha baarlamanakuna waxa ay mar walba ku doodayeen in Mooshinadu ay qayb muhiim ah ka yihiin howshooda, miro-dhal la’aanta kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanku waxa ay ka dhigan tahay in shaqadii la qaban lahaa fadhigani ay u gudubto kalfadhiga xiga, taasina waxa ay dib u dhac u keni doontaa nidaamka dib u eegista dastuurka iyo ansixinta xeerarka muhiimka ah ee horyaalla golaha shacabka.

Haddaba yaa iska leh mas’uuliyadda miro-dhal la’aanta kalfadhigan? Ma xildhibaanadii keenay mooshinka qaatay waqtiga? Ma xukuumadda mise Shacabka?

Shakiga ay dad badani ka qabaan Baarlamaanka iyo shaqa-la’aanta kalfadhiga 3aad, waxaa sii kordhiyey mugdi kale oo wajahay aqalka Baarlamaanka billowga bishii Ramadaan, xilligaas oo ay labada aqal ee Baarlamaanka ay gaareen Jawaanno ay ka buuxdo lacag dhan $1,645000; (Milyan Lix boqol afartan iyo shan kun) lacagtaas oo loogu tala-galay xubnaha Baarlamaaka.

Galka Baarita waxa uu la hadlay 10; kamid ah xubnaha Baarlamaaka, 7; kamid ah waxa ay sheegeen in ay katimid xukuumadda Soomalaiya, lana siiyey xubnaha Baarlamaanka golaha shacabka iyo aqalka sare labadaba, 4; kamid ah xubnahaasi waxa ay qirteen in ay qaateen in ay lacagtaas qaateen, 3; kamid ah waxa ay sheegeen in ay diideen balse ay goobjoog u ahaayeen saaxiibadood oo qaadanaya, saddexda kale waxa ay diideen in ay beeniyaan ama ay xaqiijiyaan, xogta Galka Baarista uu ka helay xubnahaas waxa ay muujineysaa in xildhibaanada badankood labada aqalba ay qaateen lacagtaas 98%, midkiiba waxaa ku aaday $5,000 (Shan kun oo dollar), waxaana lacataas la qaybiyey todobaadkii ugu horreeyey ee bisha Ramadaan, qaybinta lacagtaas waxaa loo xilsaaray horjoogayaal ku saleysan habka beelaha ee 4.5.

Mid kamid ah xildhibaanada ay lacagahaasi soo gaareen waa Maxamed Cumar Dalxa, waxa uu yiri: “Afkaaga hoori aan ilkahaaga tiriyee ayay Soomaalidu  tiraahdaa, ma wanaagsana, fool baxsigaasi waa wax loogu talagalay afurka, Baarlamaanka laftirkiisana aafooyinkaan dhacay lacag xoog leh laga jaray mushaarkooda, taas ayaa fiicnaan lahayd dadka Soomalaiyeed intii ay ku mashquuli lahaayeen dhaqdhaqaaqa xildhibaanada”.

Xildhibaan Dalxa waxa uu difaacay qaadsahada lacagtaas la siiyey xubnaha Baarlamaaka, waxa uuna sheegay in xubnaha Baarlamaanka mushaarkooda laga jaro qarashaad fara-badan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur waxa uu sheegay in uu kamid ahaa xildhibaanadii diiday in ay qaataan lacagtaas, waxa uu yiri:

Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa ila soo xiriiray nin oday ah oo aan doonayn in aan halkan ka xuso waxa uu igu yiri: Xildhibaan Cabdullaahi waxa aan kuu hayaa lacag!, waxa aan ku iri maxay ahayd lacagtu?, waxa uu u qaatay in aan tiradeeda weydiiyey, waxa uu dhahay waa lacag 5,000 ah,  war tiradeeda kuma weydiinee maxay ahayd lacagtu ayaan ku iri? Markaa waxa uu dhahay: Xukuumadda ayaa bixineysa oo waa lacag loogu yeeray xaqal ciid, xaqal soon, waa ku qoslay waxa aan dhahay, xukuumaddu ma xoolihii dadka ayay nagu siineysaa saddaqo, goorma ayay xildhibaanadu kamid noqdeen dadka ay saddaqadu ku kacdo ama canshuurta xoolaha dadka laga soo qaado yaa adiga kuu siiyey mandate (ogolaansho) in aad canshuurta dadweynaha u qaybiso xildhibaanada?, maya walaal aniga waa la ii soo dhiibay ayuu dhahay, dadkii la iigu soo dhiibay ayaad kamid tahay! Waa ku celiyey, waxa aan dhahay yaa kuu soo dhiibay, xukuumadda ayaa ii soo dhiibtay ayuu dhahay!, marka waxaan ku dhahay kolba anigu kama mid ihi dadka ay saddaqadu ku kacdo oo ay tahay in la siiyo canshuurta shacabka Soomalaiyeed

Waxa lagayaabaa in xubnaha Baarlamaanka qaarkood iyo taageerayooshoodu ay ku doodaan in lacagtaasi yar tahay aysanna ahayn wax u qalma in laga hadlo, balse waxa ay su’aashu tahay maxay ku macnayn lahaayeen haddii lacagtaasi ay intaas ka badan tahay, dadka ka shaqeeya anshuxu waxa ay ii sheegeen in lacagtan ay su’aalo badan ka imaan karaan, kuwaas oo ay kamid yihiin halka ay ka timid iyo cidda ku deeqday, mise waxa ay ahayd lacagihii canshuuraha ee laga aruuriyey dadweynaha?

Haddii ay lacagtani katimid Qasnadda dowladda maxaa loo siin waayey xubnaha kale ee dowladda iyo shacabka u baahan oo ay ku jiraan ciidamada ku sugan gobolada ama kuwa dowladda dhexe?

Haddii ay lacagtani tahay mid lagu deeqay oo ay ku timid magaca ummadda Soomaaliyeed maxaa caddeynaya in ay intaas ku koobnayd oo aanay ka badnayn?

Marka ay noqoto dhinaca anshaxa sidee ayay xubnaha Baarlamaanku uga madax-bannaanaan karaan xukuumadda ama ciddii ay lacagtaasi katimid?

Sideese xubnaha Baarlamaanku qiil ugu heli karaan in ay si hoose lacag u qaataan, dadweynahana ay ka qariyaan?

Su’aal kale oo la isweydiin karo ayaa ah haddii dowladda Soomaaliya uu daqligu u kordhay islamarkaana uu kobac dhaqaale jiro wakiilada ummadda Soomaaliyeed ma waxa ay ahayd in ay iyagu iska billaabaan mise in ay eegaan meelaha ugu baahida badan?

Ugu dambeyn Galka Baaristu waxa uu la xiriiray xubno katirsan dowladda Soomaaliya si uu wax uga weydiiyo lacagahan, haseyeeshee waa ay noo suurageli weyday in aan ku qancino in ay ka qaybqaataan Barnaamijkan.

Isha: Galka Baarista, Haaruun Macruuf, VOA

Waxa dib u qoray Axmed Guutaale

General Editor

Read Previous

Soomaaliya Oo Ku Biirtay Suuqa Bariga Iyo Koofurta Afrika  ee COMESA

Read Next

Guddiga amniga Qaranka oo isku raacay in degdeg loo furo Wadooyinka xiran ee Muqdisho.