Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso
Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir shan maalmood uga socday AMISOM iyo Waddamada iyo Ururrada taageera.
Shirkan ayaa loagu gorfeynayay qorshaha howlgallada AMISOM ee Soomaaliya iyo Miisaaniyadda ku baxeysa ilaa sanadka 2020ka.
Labada qodob ee ugu weyn ee shirkaas ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah sugidda amniga goobaha ay dadka ku badanyihiin iyo furidda jidadka waaweyn ee isku xira Caasimadda iyo Magaalooyinka waaweyn ee Gobollada dalka.
Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, ayaa sheegay in howlgalladaas ay si wadajir ah u fulin doonaan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee SNA iyo Ciidamada AMISOM.
Waxaa uu Mr Francisco Madeira, tilmaamay in shaqada ugu weyn ee AMISOM hortaalla ay tahay sidii waddooyinka uu maro saadka Ciidamada loo sugi lahaa amnigooda la iskuna furi lahaa Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.
Howlahaas waxaa bar bar socda qorshaha dhimista Ciidanka Milatariga ah ee AMISOM oo ilaa hadda laga saaray 2000 oo Askari, halka kuwo kalena la dhimayo sanadaha soo socda iyada oo la fulinayo qaraar Nambarka 2431, ee 2018kii ay soo saareen Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey,kaas oo ku baaqayay in Ciidamada AMISOM la dhimo ugu dambeyna ay dalka Soomaaliya ka baxaan 2021ka doorashooyinka madaxtinimo kaddib.
Shirkan laga soo xiray Nairobi waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socotay AMISOM, Midowga Afrika, Midowga Europe, Qaramada Midoobey, Hay’ado Caalami ah, iyo diblomaasiyiin.
