Wararka saaka ka imanaya magaalada kismaayo, ayaa sheegaya in a y socota qaban qaabadii u dambeysay ee furitaanka shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka qabsoomaya Kismaayo.
Guriga martida ee kismaayo waxaa xaadir ku ah madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Hirshabelle, Puntland iyo Koofur galbeed, iyadoo Jubalandna ay dhigtay gogosha halka shirka uu ka dhacayo.
Suxufiyiinta ku sugan kismaayo, ayaa saaka soo sheegaya in ciidamada amniga ay xirteen wadooyinka soo gala xarunta loo cayimay shirka, iyadoo amniga wadajir uga shaqeynayaan Amisom iyo ciidamada daraawiishta jubaland.
Shariif xasan sheekh Aadan; ayaa shalay sabab u noqday inuu baaqdo shirka, maadaama ay eheyd maalin ka hor inuu tago Kismaayo, si lamid ah madaxda kale ee maamul goboleedyada, shariifka ayaa axadii ujoogay baydhabo ka qeybgalka aaska hooyada dhashay Gudoomiyaha golaha shacabka mursal.
Madaxweyne kuxigeenka jubaland maxamuud seyd aadan ayaa ajendaha shirka ku sheegay iney qeyb ka tahay sidii wax la isaga weydiin lahaa waxa uqabsoomay golaha tan iyo markii la’aasaasay sanadii hore kadib.
Waxey sidoo kale isla soo qaadi doonaan doorashooyinka ku soo foolka leh maamulada Koofur gallbeed, Puntland, Jubaland iyo sidoo kale tan guud ee dalka maadaama Farmaajo laba sano uu dhameystay.
Lama oga in shirka uu soo xirmi doono 10ka bishan September, maadaama Jadwalkii hore uu usoo saaray gaas ay ku xusneyd in shirka furmayo Saddexda bisha oo shalay eheyd uuna soo xirmayo sagaal;ka bisha.
Dhinaca kalena Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne kuxigeenka jubaland ayaa meesha ka saaray wararka la xiriira suura galnimada in shirka ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay uu yahay sidii xiriirka loogu jari lahaa dowladda dhexe.
Wakiilka qaramada midoobey ee somaliya Michael keating oo Kismaayo xalay ku hoyday ayaa ka qeybgalaya shirka maanta, isagoo ujeedin madaxda Gobolada khudbadiisii u dnabeysay maadaama xafiiska uu baneynayo
