Shirka Aramco oo Maalgashi ballaaran ku samaysaneysa Shiinaha.

Shirkadda weyn ee Shidaalka soosaarta ee ay leedahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Aramco ayaa sheegtay in maalgashi ku sameysaneyso Jamhuriyadda Shacabka Shiinaha waxaana ku baxaya Balaayiin doollar.

Aramco ayaa sanadkii tagay 2022 macaash badan heshay waxaana lagu qiyaasay lacagta kasoo gashay shidaalka in ay gaareyso $160 Bilyan oo Doollar, taasi ayaa keentay in ay ku dhiirrato in fursad ka hesho Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirkadda Aramco ayaa saami ka iibsatay qaar kamid ah Shirkadaha waaweyn ee Dalka Shiinaha gaar ahaan Rongsheng Petrochemical Co. Ltd oo ay ka iibsatay saami gaaraya 10% oo u dhiganta lacag dhan $3.6 Bilyan oo Doollar.

Tallaabadaan ayaa dhabar-jab ku ah xiriirka ka dhaxeeya Sacuudiga iyo Mareykanka maadaama muddooyinkii u si tartiib-tartiib ah u go’ayay cilaaqaadka, taas baddelkeed waxa ay Xukuumadda Riyadh u jiheysatay Shiinaha oo xifaaltan Militari & mid Ganacsi kala dhaxeeya.

Xiriirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayaa gaabis ku yimid tan iyo markii uu doorashadii ka dhacday Dalkaas looga adkaaday Madaxweynihii 45aad ee Donald Trump kuna guuleystay Joe Biden.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Raila Odinga oo markale taageerayaashiisa ugu baaqay Dibadbax ka dhan ah madaxda Kenya.

Read Next

Madaxweynaha Chad oo cafis u fidiyay 259 mudaaharaadayaal ah oo xabsiga la dhigay