Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed
Xerada Xalane ee magaaladda Muqdisho waxaa ka furmay shir looga hadlayo mustaqbal howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, kaas oo ay ka qayb galayaan Saraakiilka ka socota AU-da iyo howlgalka AMISOM.
Saraakiisha kulanka goobjooga ka ah waxaa ka mid ah Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb Francisco Madeira iyo Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika (AU-PSC) oo booqasho shaqo shalay Gelinkii dambe ku yimid magaalada Muqdisho.
Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa masiirka howlgalka AMISOM iyo qorsho howleedka golaha marka la gaaro December 2021, maadaama uu dhamaanaya waqtiga loo qorsheeyay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.
Saraakiisha midowga Afrika ee ka qaybgalaya shirka ayaa la kulmi doono madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wakiiladda beesha caalamka iyo Ururada Bulshada Rayidka.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Masar u fadhiya dalka Itoobiya ahna wakiilka joogtada ah ee Midowga Afrika Danjire Dr. Maxamed Cumar Gad.
Kulankaan ayaa daba socda shir 7 November 2021, Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda xukumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Francisco Madeira ka dib cayrintii Simon Mulongo ku xigeenkii ergayga AU-da ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay dalka uga cayrisy Simon Mulongo iyadoo aan la sheegin sabab go’aankan dambaysa.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/risaaq ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay la xisaabtami doonto saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa heerka hoggaanka ah, si aysan u ceebayn waajibaadkooda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horreysay soo gaaray Soomaaliya bishii March ee sannadkii 2007-dii. Wixii markaas ka dambeeyay, qeybta militariga AMISOM waxa ay gacan siiyeen ciidamada ammaanka qaranka Soomaaliya sidii ay Al-Shabaab uga saari lahaayeen inta badan degmooyinka iyo magaalooyinka waaweyn ee koonfurta Soomaaliya.
