Shir ku saabsan amniga iyo sareynta sharciga oo lagu qabtay Muqdisho

Shirkaan oo looga hadlayay dardar gelinta amniga iyo sareynta sharciga dalka ayaa maanta waxaa lagu qabtay xarunta Taliska Ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Waxaa shirka si wadajir ah u Guddoominayey Guddomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya,waxaana  goobjoog ka ahaa Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska iyo Asuubta iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,iyadoo shirka warbixin ku aadan arrimaha amiga looga dhageystay sareeyeyaasha Hoggaanada Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Markii uu shirka soo dhammaaday ka dib waxaa warbaahinta u sharxay Qodobadii shirka looga hadlay Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciianka Booliiska Sareeye Guuto Janaraal C/llaahi Xasan Bariise.

“ Shirka waxaa looga hadlay dardar gelinta howlaha Amniga oo Ciidanka Soomaaliyeed bud-dhige u yahay iyo ka sareynta sharciga cid kasta oo Soomaali ah ama ku nool dhulka Soomaaliyeed,arrinta ugu weyn ee laga wada hadlay waxay tahay in cid kasta uu ka sareeyo sharcigu iyo dhowrista anshaxa dhan walba,Amniga iyo kala danbeynta dalka,” ayuu yiri Sareeye Guuto Janaraal C/llaahi Xasan Bariise.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saareysa sugida amniga iyo dhowrista sharciga iyo kala danbeynta dalka.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasiirrada cusub oo maanta la dhaariyay

Read Next

Madaxweyne Cusub oo loo Magacaabay DDSI.