Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo kormeeray fariisimaha Ciidamada ee Jubada Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Fariisimaha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubada Hoose.

Madaxweynahu wuxuu booqday deegaanka Baarsanguuni Halkaas oo dhowr bilood ka hor laga saaray Xarakada  Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhow oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ka wadaan howlgalo sifayn ah isagoo kala hadlay in la dardar galiyo sidii isku socodka dadweynahu u noqon lahaa mid wanaagsan iyadoo Al-Shabaab laga saarayo deeganada ay wali ku Suganyihiin.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu halkan u yimid si uu waqti ula qaato Ciidamada una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo.

Shabaab,  ayuu sheegay in lagaga guulaysan karo in weerar midaysan lagu qaado taas oo meesha ka saaraysa in ay isku gurmadaan.

https://www.universaltvsomali.net/infusions/media/uploads//2018-09/

Mustaqbal media

Read Previous

Sarkaal Shabaab ah oo lagu dilay gobolka Baay.

Read Next

Wasiir Beyle oo shir gudoomiyay kulanka Billaha ah ee Guddiga Dhaqaalaha.