Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Khayre ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallo ay Shabaab uga saarayaan deegaannada ay uga sugan yihiin dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay inuu ku dhiirageliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka, maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan.
Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si dalka amnigiisa u hantaan

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorshe dalka looga saarayo Shabaab, arrintaas oo qayb ka ah halbeegyada tubta amniga iyo hannaanka ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda dalka.
