Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Kulankii ugu xiisaha badnaa kulamadii xalay laga ciyaaray Champions League-ga ayaa xalay ka dhacay garoonka Olimpico oo ay xalay marti ku aheyd Real Madrid.
Real Madrid ayaa ahayd kooxda gacanta saraysa waliba ahayd kooxda qaab ciyaareedka fiican kulanka iyada oo si dar-dar leh ku bilaabatay waliba halis galinayay goolka Roma.
Roma ayaa dhankeeda daafac ku jirtay iyada oo qaadaysay weeraro rogaal celis ah xiil ay waliba iska khasaariyeen fursado si weyn loola yaabay sida ay isaga khasaariyeen.
Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta inkasta oo ay labada kooxoodba sameeyeen fursado goolal laga dhalin karay ciyaartana wax looga badali karay.
Qaybtii dambe ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga raadonayay goolkii ay wax kaga badali lahaayeen natiijada ciyaarta dhankoodana ugu leexin lahaayeen.
Daqiiqadii 47-aad ayay Real Madrid heshay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Gareth Bale kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid.
Real Madrid aya heshay fursado kale oo khatar ah laakiin waxa ay nasiib u yeelan waayeen in ay wax gool ah u badalaan fursadahaas ay heleen.
Los Blancos ayaa daqiiqadii 59-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lucas Vazquez kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2-0.
Wixii intaas ka dambeeyay labada kooxood ayaa isku qaaday weeraro walow ay Real Madrid weeraro badnayn.
Laakiin Natiijada ayayna waxba iska badalin waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid guul ay u qalantay ka gaartay dhigeeda Roma.
