Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Maxkamad ku taalla Dalka Pakistan ayaa todobo sano oo xabsi ah ku ridday Ra’isalwasaarihii hore ee dalka Pakistan Nawaz Shariif.
Maxkamadda ayaa Nawaaz ku heshay in uu caddeeyn waayay halka uu ka helay dhaqaale farabadan oo uu dibadda dhismayaal uga dhistay.
Xukunkiisa ayaana la xiriira musuqa,waxaa uu saddex jeer ra’isalwasaare ka soo noqday Dalka Pakistan, isaga, Gabar uu dhalay iyo wiil uu soddog u yahay ayaa min 10 Sano oo Xabsi ah lagu xukumay Bartamihii sanadkan inkasta oo racfaan ay ka qaateen markii dambe.
1993dii ayuu dalka isaga cararay,waxaa uu soo laabtay kuna guuleystay doorashada sanadkii 1997 laakiin labo sano kaddib waa la afgambiyay,haddana waxaa uu dalka dib ugu laabtay 2007dii markaas oo uu doorashada dhacday sanadkii 2013kii uu ku guuleystay hayeeshee mar kale ayaa laga qaaday sanadkii la soo dhaafay.
