Muddo sharciyeedka Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku siman
Wafddi ballaaran oo ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u ambabaxaya Dalka Mareykanka,waxaana wafdigan hoggaaminaya Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Ujeeddada safarka Ra’isalwasaaraha iyo Wafddigiisa ee Mareykanka ayaa ah in Washington uu kula kulmayo madaxda Hay’adaha Bangiga Adduunka iyo IMF.
Safarka Ra’isalwasaaraha ayaa waxaa uu billaabanayaa 8-da Bisha April,waxaana uu soo dhamaanayaa 13ka Bisha sida ku cad jaantuska safarka Ra’isalwasaaraha iyo Wafddigiisa ee Mareykanka.
Wafddiga Ra’isalwasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda,Qorsheynta, Hantidhowrka guud, Agaasimaha NISA, Lataliyaha amniga ee Madaxweynaha, iyo xubno kale oo u badan la taliyayaasha Ra’isalwasaaraha iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir.
Inta ugu badan kulamada Hay’daha lacagaha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya waxaa xoogga lagu saarayaa isbeddelka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dib u habeynta ay dowladda ku wadday labadii sano ee la soo dhaafay.
